Nin 43 sano ku xirnaa Itoobiya oo loo kala saaray labo qoys oo isku haystay

Hargeysa (Caasimadda Online) – Maamulka gooni u goosadka Somaliland ayaa kala saaray labo boys oo isku haystay nin la sheegay inuu 43 sano ku xirnaa dalka Itoobiya, kaasoo markii xorriyadiisa helay lasoo gaarsiiyay magaalada Hargeysa.

Axmed Siciid Aw. Ismaaciil oo ah Kaftan ka tirsanaa ciidamadii Dawladdii Soomaaliya ayaa si weyn baraha bulshada uu faafay, waxaana qoys ka mid ah labada dhinac ee isku haystay ninkaani inuu dhashooda yahay, tilmaameen inuu maskaxda ka jiran yahay, maadaama mudo aad u fog uu ka maqnaa, laguna qabtay dagaaladii Somalia iyo Itoobiya, hase ahaatee dhinac ka mid ah qoyska ay beeniyeen arrintaasi.

Maamulka magaalada Hargeysa iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo arrinta isku qabsashada ninkaan odayga ah kusoo baxay ayaa u kala gar qaaday labada dhinac, waxaana si rasmi ah ula wareegay masuuliyadiisii qoys ka mid ah labada qoys ee midkood kasoo kaxeeyey Gobolka Shiniile oo ka tirsan Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyagoo u haystay nin ka maqnaa 43 Sanno (Dagaalkii1977), balse aakhirkii loo xukmiyay qoys kale oo cadeeyay in ninkaan yahay qof dhimirk la’a.

Qoyskaan ayaa sheegay  inuu 24 sanno ka maqan yahay Magaciisa oo Sadexanna uu yahay Axmed Siciid Aw. Ismaaciil ahaan jirayna askari Kabtana oo ka tirsanaa Dawladdii Soomaaliya.

Deegaanada Somaliland ayaa sanadihii u danbeeyay kusoo badanayay dad isku qabsanayay dad kale inay iyagu dhaleen, sida sheekadda ilaa weli muranka ka taagan yahay ee fannaanada Nimco Yaasiin Caraale oo labo qoys ay ku muransan yihiin dhasheeda iyo halka ay kasoo geed.