Odawaa oo shaaciyey waxa ay tahay inuu Maanta madaxweyne Farmaajo ka hor sheego BFS

 Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya haddana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalana ah Xoghayaha Guud ee Madasha Xisbiyada Qaran Cabdiraxmaan Odawaa  ayaa ka hadlay khudbadda uu Maanta Madaxweyne Farmaajo ka hor jeedin doono kulanka Golaha Shacabka.

Xildhibaan Odawaa ayaa sheegay inuu rajeenayo in Madaxweyne Farmaajo  garowsan yahay xaalada adag ee dalku ku sugan yahay isla markaasna uu kulanka Maanta ee Xildhibaanad uu ka hor sheegi doono wax dalka lagu badbaadiyo.

“Waxaan rajeyneynaa in Madaxweyne Farmajo uu garowsan yahay xaalladda adag ee uu dalku ku sugan yahay, Maantana uu xildhibaanadda la hor iman doono wax dalka lagu badbaadinayo oo ah jidkii loo mari lahaa doorasho laga wada raalli yahay”ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Xildhibaan Odawaa ayaa xusay in wadada kaliya ee Madaxweyne Farmaajo u furan ay tahay inuu qabsoomo shirka Dhuusamareeb3 si xal looga gaaro khilaafka ka taagan nooca doorashso ee ka dhici karto dalka.

“Jidka kaliya ee u furan Madaxweynaha waa in Dhuusamreeb 3 loo wada guntadaa sidii la isugu wada tagi lahaa ugana soo bixi lahaayeen qaab doorasho oo la isla ogolyahay”ayuu yiri.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo la hadlayay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in Madaxweynaha uu dalbaday kulanka Golaha Shacabka, horayna u balan-qaaday inuu Baarlamaanka warbixin siinayo, kuna salleysan tahay warbixintiisa xaalada doorashada dalka.

Inkastoo aanan si fahfaahsan loo ogeyn waxa uu madaxweynaha ka sheegi doona baarlamaanka haddana waxaa la aaminsan yahay inay ku qotonta arrimaha hadda taagan oo ay kamid tahay nooca doorasho ee ay Soomaaliya yeelan doonta.