Thabit Cabdi oo shaaciyey waxa ka dhallan karo hadduu baaqdo shirka Dhuusamareeb3

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay shirka Dhuusamareeb3 ee la hadal hayo inuu baaqan doono.

Guddoomiye Thaabit ayaa sheegay in haddii uu baaqdo shirka Dhuusamareeb3 ay dalka u horseedi karto jahwareer ku saabsan kala guurka iyo qabsoomida doorashada heer qaran.

Thaabit oo la hadlayey dadka ka shaqeenayo inuu qabsoomi waayo shirka Dhuusamareeb ayaa sheegay in arrintaas ay ku noqon doonto siriq siyaasadeed oo aan ka baxashaho laheyn.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka guddoomiye Thaabit uu soo dhigay bartiisa Facebook

Shirka Dhuusamareeb3 wuxuu wataa ahmiyad Qaran, inuu fashilmana waxey dalka u horseedi kartaa jahwareer ku saabsan kala-guurka iyo qabsoomida doorashada heer qaran. Shaqsiyaadka ka shaqeynaya in shirku qabsoomi waayo ama natiijadiisa la daciifiyo, ha ogaadaan iney ku noqon doonto siriq-siyaasaddeed oo aan ka baxsasho laheyn.

Waxaan ka digeynaa in dalka la galiyo xaalad hubanti la’aan ah. Shirka Dhuusamareeb3 wuxuu dadka Soomaaliyeed u yahay gacan dib-u-heshisiin iyo jihada deganaansho siyaasaddeed oo lagu gaari karo isfaham. Cidii diida fursaddaha “is ogolka siyaasadda” way iska caddahay togga dheer oo ay ku sii socdaan, balse dadka Soomaaliyeed ee garanaya meesha laga yimid wey soo jeedaan.

Waqtigu waa gabaabsi, waxaana lama huraan ah in xaaladda kala-guurka ah laga heshiiyo. Waxaan ku baaqeynaa in tallada shacabka Soomaaliyeed iyo midda Xisbiyada dhug loo yeesho, oo dannaha shaqsiga ah laga tago, xooggana la isugu geeyo inuu qabsoomo shirka iyo in xal-waara la wada gaaro si danta caamka ah u guuleysato.