Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeedin doona kulanka Golaha Shacabka ee Berri

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu berito hortago golaha shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa berito isugu imaan doona xaruntooda kumeel gaarka ah ee Villa Hargeysa iyadoo ajanedaha uu yahay warbixin uu madaxweynaha JFS u jeedinayo xildhibaanada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu xildhibaanada ka codsado in loo kordhiyo mudada uu kusoo magacaabayo ra’iisul wasaaraha dalka.

Berito waxey ku beegan tahay waqtigii loo balansanaa shirka dhuusamareeb wajigiisa saddexaad, waana madasha kaliya oo ay dadka oo dhamin isha ku hayaan maadaama wadanka uu ku jiro xilli xasaasi ah iyadoo aan wali la isku fahmin nuuca doorashada ee la qaban doono.