Wasiirka Dastuurka oo sheegay nooca doorasho ee la doonayo inay dalka ka dhacdo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sii hayaha xilka Wasiirka Dastuurka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in haddii ay is-waafaqaan Wada xaajoodyada siyaasadeed ee socda iyo sharciyadda baarlamaanka la gaari karo Doorasho xaqiiq ah oo dhaca waqtigii loogu talagalay

Sii hayaha Wasiirka, Ahna Guddoomiyaha  Guddiga farsamo ee ka talabixinta doorashooyinka oo maanta ka qeybgalay kulanka todobaadka Jimcaha ee Warbaahinta Qaranka ayaa xusay in ay socdaan Wadatashi, loona baahan yahay in la isla meel dhigo wax la wada ogol yahay oo aasaas u noqda geedi socodka dimoqraadiyadda

Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxa uu sheegay in Guddiga farsamo ee Doorashooyinka ay sameeyeen dadaal iyo cilmi baaris ku wajahan soo ururinta tallooyin wax ku ool ah oo qeyb ka noqon kara suurtagalnimada hannaan  Doorasho lagu qanacsan yahay.

Sii hayaha Wasiirka, waxa uu sheegay in wadatashiga u socda dhinacyada siyaasadda uu marayo meel wanaagsan ,isagoo rajo ka muujiyay  in kulamada kale ee la filayo ay ka soo bixi doonaan natiijo wacan oo kor u qaada niyada iyo himilada umadda.

Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxa uu soo jeediyay in  dadka soomaaliyeed ay gacan ka geystaan taabagalka shirka wadatashiga, iyagoo maanka ku haya waxa wanaagsan ee ku soo kordhay dalka iyo duruufihii kala duwanaa ee la soo maray.

Wasiir Saalax ayaa sheegay in muhiimadda Doorashada dalka la doonayo in ay ka dhacdo ay tahay in ay noqoto mid ka duwan middii 2016-kii ee dadbaneed.

Abaabulka lagu hirgelinayo doorashadaas ayuu sheegay in diiradda lagu saarayo in la qabto doorashada ka duwan tan ay ku timid Dowladda Federaalka oo ah mid dadban oo 51-qof ay u codeeyeen Xildhibaanka.

“2016-kii, waad garan kartaa arrintu sida ay ahayd, taas ayaa la rabay in laga guuro oo la hiigsado qof iyo cod, inta xisaab u dhaxeyn karta waad sawiran kartaa, ma waxaa la oranayaa kursigii 500 ha u codeyso, ma shan kun mise soddon kun, waxyaabo badan ayaa lasoo jeedin karaa, balse muhiimadda waa fursadda hala siiyo dadka” ayuu yiri Sii hayaha Wasiirka Dastuurka Dalka.