Agaasimihii madaxtooyada Soomaaliya Dr. Fuursade oo shaqada ka tagay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo Villa Somalia ayaa sheegaya inuu muddo sanad ah kadib shaqada agaasimaha madaxtooyada isaga tagay Dr. Nuur Diiriye Fuursade.

Dr. Fuursade ayaa isaga tagay shaqada Villa Soomaaliya sababo isaga u gaar ah, waxaana la xasuustaa inuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii aadka looga hadal hayay baraha bulshada in loo magacaabayo xilka ra’iisul wasaaraha.

Wararka ayaa intaas ku daraya inuu dib ugu laabtay dalka Canada, iyadoo aan la ogeyn haddii shaqo ka tagistiisa ay ku lug leedahay inaan la siinin xilka ra’iisul wasaaraha oo ilaa hadda banaan.

Bartamahii sanadkii hore ayaa xilkaan loo magacaabay, waxaana la ogyahay inuu aad ugu dhawaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dr. Fuursade ayaa noqday agaasimahii 5-aad ee soo mara Villa Soomaaliya tan iyo markii uu madaxweyne Farmaajo xilka qabsaday.