Sababta xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga u wajahayo xaaladdii ugu xumeyd

Riyadh (Caasimadda Online) – 2-bishii April 2020 taleefoon ay ku wada hadleen madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump iyo dhaxal sugaha Sacuudiga (Amiir Mohammed bin Salman) ayaa shaki badan ku dhaliyay jiritaanka xiriirka labada dal ka dhaxeeyo.

Donald ayaa u sheegay Bin Salman haddii Sacuudiga si dhaqsi ah u xallin waayaan dagaalka ay Russia kula jiraan ee ku saleysan qiimaha shidaalka  sidoo kalena qiimaha shidaalka hoos u dhigi waayaan in xukuumada Washington ay ciidamadeeda kala bixi doonto boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Ciidamada Mareykanka ka jooga Sacuudiga waxaa la kordhiyay sanadii 2019 markii Sacuudiga isku xumaadeen xukuumadda Iran oo cabsi laga qabo marwalbo inay weerar ku qaado dhulka boqortooyada gaar ahaan goobaha shidaalka.

Sacuudiga ugu dambeyntii waxay la heshiiyeen Russia hoosna wey u dhigeen qiimaha shidaalka iyo saliida xilli ay heshiis la gaareen sidoo kale dalalka shidaalka soo saara ee ku mideysan ururka OPEC.

Madaama madaxweyne Trump si adag ula hadlay madaxda Sacuudi waxaa muuqata in xiriirka labadan dal uu gaaray halkii ugu hoseesay, waxaana dhacday in xukuumada Riyadh ay yareesay lacagihii ay Mareykanka siin jireen halka Mareykanka iyagana ay haatan ku fakarayaan inay gudaha Sacuudi Carabiya ka qaadaan gantaalada difaaca iyo sidoo kale inay yareeyaan ciidamada ka joogaan dhulka boqortooyada.

Arrintaan waxay waji gabax ku tahay xukuumadda Riyadh madaama ay kusoo badaneyso halista kaga imaan karta Iran, waxaana macquul ah iney waayaan taageerada mareykanka. Balse waa wax dhici kara in labada dal ay sii wada shaqeeyaan sidoo kalena is kaashadaan, inkastoo aysan muuqan dhaq-dhaqaaq xal looga gaarayo wax walba.

Mareykanka iyo Sacuudiga waxaa ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo kasoo bilaabanayo 1940-kii balse wey jirtaa marar kala duwan oo uu xiriirkoodii xumaaday sida sanadii 1973kii markii cunaqabateynta shidaalka dhacday iyo qaraxii 11 September 2001 ee Mareykanka ku eedeeyeen in Sacuudi ku lug lahaa.

Khilaafyadaas iyo kuwo kaleba labada dal wey ka heshiiyeen balse 18-kii bilood ee ugu dambeeyay xiriirkooda sii xumaanaya waxay ka dhigan tahay in labadan dal isku soo dhawaanshahooda dhanka siyaasada iyo dhaqaalaha sii dhamaanayo..

Haddaba aan dib idiin xasuusino arrimaha sababay in xiriirka labadaan dowladood uu xumaado:

Xiisaddii Dhalatay Xilligii Obama dib loo doortay.

Xiriirka labadan dal wuxuu xumaaday markii Obama mar labaad loo doortay inuu hoggaamiyo mareykanka, wuxuuna la yimid siyaasad ku aadan Bariga Asia oo ah inay kaalintooda qaataan gaar ahaan Sacuudiga iyo dalal badan wuxuu ku tilmaamay inay Mareykanka ku hoos nool yihiin awood dhaqaale iyo mid Militari lagana rabo kaalintooda inay qaataan. Sidoo kalena wuxuu ku eedeeyay inay ku xad gudbaan xuquuqul insaanka iyo xuquuqda dumarka.

Waxaa intaas dheer in Sacuudiga ay ka xumaadeen heshiiskii Mareykanka iyo dalalka caalamiga ah la gaareen Iran oo ku aadanaa arrimaha Nugliyeerka waxayna u arkeen Sacuudiga arrintaan mid halis ku ah gobolka oo idil.

Xukuumadda Trump iyo habka ay Sacuudiga ula macaamileen bilowgii.

Trump wuxuu soo dhawestay Sacuudiga iyo dalalka xulufada la ah Mareykanka, tiiyoo ay jirto in bilawgii xafiiskiisa shaqo uu booqday Riyadh halkaas uu heshiisyo badan Sacuudi kula soo gaaray kuna tilmaamay arrin ay labada dhinac dan ugu jirto.

Trump wuxuu u sheegay Sacuudiga iney marwalbo ku hoos jiri doonaan hoggaanka awooda Militariga Mareykanka. Balse dadka reer Mareykan waxay dhaliil usoo jeediyeen madaxweyne Trump oo ku aadan in Sacuudiga iyo Israel ka caqli badiyeen oo danahooda gaarka ah loo fulinaayo halkii danta guud ee wadanka laga shaqeyn lahaa.

Dagaalkii Yemen iyo dilkiii Khashoggi oo xukuumada Trump ka careysiisay:

Sacuudiga waxay aad iskula shaqeeyeen xukuumada Trump iyo sida guud xisbigiisa Republican-ka ah madaama ay horey isugu dhaceen Obama iyo xukuumadiisii Dimoqraadiga ahayd. Laakiin Sacuudiga weeraradii Yemen ay ku qaadeen 2018 kuna dhinteen dad badan oo shacab ah waxay sababtay in xukuumadda Washington ay arrinkaas walaac xoogan ka muujiso lagana codsaday Sacuudiga inay joojiyaan gabood falka ay ka wadaan gudaha dhulka Yemen.

Sacuudiga safaaradooda Istanbul waxey 2-dii October 2018 ku dhex khaarijiyeen wariye Jamal Khashoggi oo dagaansho joogto ah gudaha Mareykanka ku hestay lana shaqeenayay wargeyska Washington Post, waana arrin si weyn u saameeyay xiriirkii Mareykanka iyo Sacuudiga ka dhaxeeyay waxaana loo arkay amarkii lagu dilay wariye Jamal Khashoggi inuu bixiyay dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Intaas kadib xukuumada Trump waxay qaaday  tallaabooyin kala duwan sida in Mareykanka ciidamadooda ay joojiyeen duqeymihii gudaha Yemen, in la joojiyay hubkii Sacuudiga laga iibin jiray iyo sidoo kale taageeradii dhanka lojistikada ee ay siin jiren Sacuudiga iyo xulufadiisa dagaalka Yemen ku mideysan. Sidaa darteed tan iyo sanadkii hore Sacuudiga waxay u muuqdaan kuwo kaligood ku noqday arrimihii ay isla bilaabeen Mareykanka.

Dagaalka Sicirka Shidaalka:

Trump wuxuu ka quustay xukuumada Riyadh kadib marki ay cirka galiyeen sicirka qiimaha shidaalka ayadoo boqortooyada ay muujineyso dagaalka ay kula jirto Russia laakiin qasaaraha ugu weyn wuxuu soo gaaray shirkadaha Mareykanka ee shidaalka iibiya. Sacuudiga waxay ka xumaadeen markii dowladda Russia ay isaga baxday shirkii OPEC+ ee lagu gaari rabay heshiis ku aadanaa in qiimaha shidaalka la xadido sidoo kalena uu noqdo mid dagan.

Balse talaabo walbo oo ay Sacuudiga qaadeen waxay ku dhaawaceyn xiriirkii Mareykanka kala dhaxeeyay dhanka shidaalka weliba waxay boqortooyada talaabadan qaadeen xili xukuumadda Washington ay dhanka dhaqaalaha ka liidatay.

Intaas Kadib Trump wuxuu ku goodiyay iney si deg deg ah ciidamadooda gudaha Sacuudiga kala baxayaan heshiis walbo oo ay boqortooyada kula jireen dhanka militariga ahna ka baxayaan haddii Sacuudiga qiimaha shidaalka hoos u dhigi waayaan.

Xiriirka Labada Dal Waa Lasoo Celiyay Laakiin Sidi Hore Uma Adko:

Sacuudiga waxay qaadeen talaabooyin deg deg si ay Mareykanka u raali galiyaan, waxey durba xaliyeen murankii qiimaha shidaalka si aysan u weynin taageerada militari oo ay Mareykanka ka helaan.

Laakiin weli arrimaha taagan sida dagaalka Yemen, dilkii Khashoggi iyo xad gudubyada xuquuql insaanka iyo dumarka oo aysan Sacuudiga xal ka gaarin awgeed waxay ka dhigan tahay in xiriirka labada dal ka dhaxeeyo uusan u adkeyn sidii shalay.

Weliba si gaar ah haddii bisha November ee dabyaaqada sanadkan doorashada guud Mareykanka dhacdo xafiiskana kusoo laabtaan xisbiga Dimuqraadiga waxay Sacuudiga la kulmayaan dhibaatooyin badan sidaa darteed waa inay hadda ku dadaalaan soo celinta xiriirkii wanaagsanaa ee asal ahaan xisbigaan kala dhaxeeyay.

Sacuudiga weli muhiim ayuu Mareykanka u yahay labo arrimood awgeed kuwaas oo kala ah in Sacuudiga dhanka qiimaha shidaalka iyo wax soo saarkiisa udub dhexaad u yihin iyo in Sacuudiga ay muhiim ugu yihiin arrimaha siyaasadda Bariga dhexe iyo guud ahaan dalalka Carabta, labadaas arrimood awgeed Mareykanka kuma deg degi karaan inay Sacuudiga oo idil wada lumiyaan waxyaabaha soo jireenka ahaa ee kala dhaxeeyay.

Ugu dambeyntii Dowladda Mareykanka iyo Sacuudiga waa labo isku baahan waxayna ku qasban yihiin inay hagaajiyaan xiriirka ka dhaxeeya haddii kale gacan sedexaad ayaa ka dhex faa’iideysan doonto.