Cumar Filish oo sheegay inuu ka shaqeenayo in doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha goblka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka Shaqeyn doono in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay fursad siin doonto dadka ku nool Muqdisho si ay Codkooda ugu doortaan qofkii ay rabaan,isaga oo ugu baaqay inay ka faa’iidysteen.

Doorashada dadban ayuu sheegay ay dadka qaar ku doonayaan inay xilalka siihayaan, taasina uu sheegay inaysan u wanaagsaneyn dadka Muqdisho, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay u hiilineyso Shacabka Muqdisho loogana baahan yahay inay garab istaagaan.

Hadalkan ayaa Guddoomiyaha Gobolka ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed  filish waxaa uu ka sheegay munaasabad lagu qabtay degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.

Hadalka Guddoomiye Cumar ayaa kusoo aadayo xilli uu jiro khilaaf u dhaxeeyo Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda oo ku aadan qaabka ay noqon doonto doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo.