Xog: Sababta keentay inay isu gacan qaadaan wasiir Amardambe iyo wasiir Xagaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa gacan ka hadal shalay dhaxmaray wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga xilli uu socday shirka sii hayaasha Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Amardambe iyo wasiiru dowlihiisa Maxamed Cali Xagaa ayaa la sheegay in dood dhaxmartay ay sababtay in ay gacanta iskula tagaan, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo goobjoog ahaa kulankii maanta.

Xog cusub oo aan helnay ayaa sheegeysa in gacan ka hadalka labada wasiir uu salka ku hayo khilaaf ka dhashay Baasaboor Diblomaasi ah Wasiiru dowlaha u dalbay Sarkaal, oo uu markii dambe Xasan Amar Dambe ka daba tagay, una qoray Wasaaradda Arrimaha Dibadda in amarkiisa oo kaliya ka shaqeynayo Wasaaradda Gaashaandhigga.

Tallaabada uu qaaday Wasiir Amar Dambe ayaa keentay inuu ka caroodo Wasiiru dowlaha Maxamed Cali Xagaa, oo markii ay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku murmeen uu si cad ugu sheegay inuu Wasaaradda ka taliyo amarkiisa ka shaqyenayo, taasoo keentay in Xagaa uu u gacan qaado.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dood dheer kadib uu shirka ka baxay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xildhibaan Amardambe iyadoona wixii markaas ka dambeeyay si la soo gaba gabeeyay shirkii wasiirada.

Labadaan wasiir ayaa sidoo kale ah Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxaana lagu soo kala doortay Muqdisho iyo Baydhabo waxaana khilaafkooda uu noqday hadal weyn oo ka jirta Muqdisho.