Nin BALCAD ka xaday dahab ku dhow 100 garaam oo lagu qabtay Puntland (Sawirro)

Gaalkacyo (Caasimada Online) –  Ciidamada ammaanka Puntland oo howlgal culus ka sameeyay waqooyiga Gaalkacyo ayaa gacanta ku dhigay nin dahab gaaraya 95 Garaam ka xaday degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay booliska Puntland.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdicasiis Cali Muuse ayaa isaga oo baxsad ah lagu qabtay koontaroolka bari ee magaalada Gaalkacyo, sida lagu sheegay qoraalka.

Dahabkan ayaa waxaa lahaa Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Caasho Maxamed Cali oo xiriir la sameysay laamaha amniga Puntland ee gacanta ku dhigay eedeysanaha.

“Ciidanka booliska gobolka Mudug, gaar ahaan CID ayaa gacanta ku dhigay eedaysanaye Cabdicasiis Cali Muuse xaaji oo 95 GRM oo dahab ah kasoo xaday koonfurta Somalia gaar ahaana Balcad ayna dhibane ka tahay Caasho Maxamed Cali, kaasoo lagu qabtay koontoroolka  bari ee magaalada Gaalkacyo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska booliska Puntland ee qaybta gobolka Mudug.

Eedeysanaha ayaa markii la qabtay waday 50.1 Garaam oo kamid ah dahabka loo heesto inuu ka xaday degmada Balcad, waxaana ciidamadu ay sheegeen in lagu soo celin doono isla degmada falka ka dhacay.

“Eedeysane Cabdicasiis Cali Muuse Xaaji oo hadda ku jira gacanta ciidanka Booliska ayaa markii la qabtay laga helay 50.1 GRM oo dahab ah, dhawaana eedaysanaha lagu wareejin doono ciidanka Degmada Balcad” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Taliska qaybta booliiska gobolka Mudug lasoo xariir 999, haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7”.

Horay Puntland ayaa sidan oo kale gacanta ugu dhigay qoys Suuriyaan ah oo dahab fara badan ka xaday Muqdisho, kuwaas oo lagu qabtay magaalada Qardhao ee maamulkaasi.