Daawo: Xasan oo aqoonsi rasmi ah siiyey 3 DEGMO oo ku soo biiray MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dikreeto ku soo saaray in Gubadleey, Daarusalaam iyo Garasbaaley loo aqoonsaday degmooyin buuxa oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar ayaa warbaahinta u akhriyey dikreetada Madaxweynaha, waxaana muddo dheer socday qorshaha maanta la soo gabagabeeyey oo degmooyin rasmi ah lagu gaarsiinayey Gubadleey, Daarusalaam iyo Garasbaaley.

Degmooyinkaan ayaa aqoonsigaan ku helay kadib markii ay soo biixiyeen shuruudaha degmonimo ee looga baahan yahay, sida lagu sheegay dikreetada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa lagu sheegay dikreetada in madaxweynaha uu ka codsaday in aqoonsi buuxa la siiyo degmooyinkaan cusub.

Seddaxdaan degmo ayaa ku kala yaalla daafaha Muqdisho, waxayna xalay ka hor ahaa jireen deegaano hoos taga 3 kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Gobolka Banaadir oo markii hore ahaa 17 degmo, wuxuu hadda noqonayaa 20 degmo, waxaana ku sii biiray oo degmooyin buuxa sidaas ku noqday Gubadleey, Daarusalaam iyo Garasbaaley.

Magaalada Muqdisho ayaa ku sii faafeysa dhul sanado ka hor miyi ahaa, waxaana laga dareemayaa Muqdisho inay dib ugu laabatay waayeheedii nabadda iyo hormarka.

Maalgashi badan ayaa ka jira caasimadda, dadku waxay aad u daneynayaan inay degaan degmooyinka xiga daafaha, amniguna wuxuu noqday mid marba marka ka dambeysa soo hagaagaya.

Hoos ka daawo