Nin daroogada iibiya oo ku qaldamay talefonka Boliska. (Maxaa qabsaday?)

California – Booliiska ayaa sheegay in nin ka ganacsada daroogada uu si qalad ah farriin qoraal (text Message) ugu diray sarkaal Boolis oo ku sugan magaalo xeebeed ku taalla bartamaha Gobolka California ee dalka Mareykanka, si uu daroogo uga iibiyo.

Sarkaalkaasi magaalada Santa Maria ayaa ku war geliyay qeybta madax dambi baarista ee booliska Santa Barbara fariin qoraalka uu sida qaldan u healy subaxii talaadada.

Markaa kadib ayaa sarkaalka iyo dambi baarayaasha waxay ay ballan la sameysteen ninka ka ganacsada daroogada iyaga oo isaga dhigaya dad caadi ah.

Afhayeen u hadlay Booliska Drew Sugars ayaa shaaca ka qaaday inay xireen 39 jir lagu magacaabo Reymundo Carlos Escobedo ayna gacanta ku dhigeen laba garaam oo ah daroogada nooca loo yaqaan methamphetamine oo uu watay.

Warar kale ayaa sheegay in 37 jir isna lagu magacaabo John martin Silvera oo ahaa ninka daroogada usoo dhiibay Escobedo oo isna meesha yimid la xiray, laguna qabtay 7 garaam oo daroogo ah.

Labada nin ayaa iminka sugaya in dacwado lagu soo oogo.