Puntland oo ka hadashay Weerarkii lagu qaaday Wafdi Turki ah.

Kadib Weerarkii lagu qaaday  Ajaaniib iyo Soomaali, Maamulka Puntland ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkaas oo kooxo hubaysan ay ku qaadeen wafdi wasiiro iyo Turkish isugu jira oo lagu weeraray Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Muxudiin Axmed  oo ah Taliye ku xigeenka Booliiska Magaalada Gaalkacyo dhanka maamulka Puntland ayaa sheegay in falkii shalay dhacay uu ahaa mid ay kooxo dableey ah jidka ugu galeen wafdi isugu jira Turki iyo Wasiiro ka tirsan Puntland.

Taliyaha Wuxuu sheegay in deegaanka dhacdada ay ka dhacday ay aheyd deegaan lagu magacaabo Daarasalaam isaga oo sheegay in rasaas xoogan oo ay kusoo fureen kooxaha dableyda ay ku dhaawacmeen askari kamid ahaa ilaalada wafdiga iyo sidoo kale sarkaal Turki ah.

Waxuu sheegay in dhanka Burcada ay ka dileen hal ruux sidoo kalena ay gacanta ku hayaan sideed kale islamarkana ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Wafdigan ayaa lagu waday inay kormeer ku tagaan Deegaano ka tirsan Puntland.