Nin dilay xaaskiisa iyo mid kale oo lagu toogtay Baydhaba

Baydhaba (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo horay dilal uga geysatay magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Toogashada ayaa saaka aroortii hore ka dhacday cara tuurka oo ah waqooyiga Baydhaba, waxaana goobta ku sugnaa saraakiil ciidan iyo askar ka tirsan ciidanka amniga.

Sidoo kale waxaa fagaaraha toogashada ku sugnaa shacab usoo daawasho tagay oo ay ku jireen ehellada dadka la tooganayay iyo kuwa qasaasta loo fulinayay.

Labada marxuum ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Xuseen Maxamed Cabdi Nuur iyo Abaadir Isaaq Nuur, kuwaas oo ay horay dil ugu xukuntay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, kaas oo ugu dambeyn saaka lagu fuliyay.

Xuseen Maxamed Cabdi Nuur ayaa horay u dilay xaaskiisa, waxa ayna Maxkamaddu  ku xukuntay dil toogasho oo ah qasaasta Marxuumaddii uu horay nolosha u dhaafiyay.

Sidoo kale Abaadir Isaaq Nuur ayaa isna waxaa lagu helay dilka askari ka tirsanaa ciidamada Booliska, sida uu sheegtay Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada.

Maalmihii u dmabeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa kordhisay fulinta xukunada dilalka toogashada ah, waxaana ugu dambeeyay qasaastii lagu fuliyay Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhakhtar Fanax), Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow), Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego) oo lagu helay la shaqeynta kooxda Al-Shabaab.

Waxaana kasii horreeyay oo isla todobaadkii hore tiirka la geeyay Cabdi Shakuur Axmed iyo Cabdi Jamaal oo ka tirsanaa ciidamada Booliska, kuwaas oo lagu helay inay dilal geysteen.

Si kastaba, waxaa weli xabsiyada dowladda ku jira askar kale oo dilal geysatay iyo xubno ka tirsan Shabaab oo iyagana sugaya in la geeyo tiirka cadaaladda, maadaama la xukumay.