Sawirro: Booliska Xamar oo soo bandhigay tiradii ugu badneed oo ciyaal-weero ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa howlgal ku soo qabtay tiradii ugu badnayd oo ciyaal-weero ah, kuwaas oo watay tooreeyo iyo baangado.

Kooxdaan ayaa lagu eedeeyey inay ku howlanaayeen dhibaateynta shacabka ku nool deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Ciidanka ayaa kooxdaan ka qabtay waaxda Jabad-gelle ee degaanka Ceelasha Biyaha, waxaana dhamaantood lagu soo xiray saldhigga guud ee deegaanka.

“Howlgalada ka dhanka ah Ciyaal-weerada iyo Burcadda ayaa si wanaagsan u socda, waxaana Taliska Booliska Qeybta Guud ka go’an sii laba jibaaridda howgaladaan, si ammaanka bulshada uu u noqdo mid sugan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Waa tiradii ugu badneed oo ciyaal-weero ooh al mar lagu soo qabto howlgal, sida lagu cadeeyey qoraalkaan, sidoo kale wuxuu boolisku soo bandhigay sawirrada kooxdaas gacanta lagu soo dhigay.

Shacabka ku nool magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran ayaa qaati ka taagan ciyaal-weero dhac iyo dilal u geysata, waxaana maalmihii lasoo dhaafay bilowday howlgallo culus oo kooxahaas ka dhan ah.

Baacsiga ay dowladdu ku heyso ciyaal-weerada waxaa u dheer kan ay kala kulmayaan kooxda Al-Shabaab, maalmihii iyo habeenadii lasoo dhaafay Al-Shabaab waxay sheegteen dilka tiro ciyaal-weero ah.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab waxay beegsi ku bilowday ragga ka ganacsada ama isticmaala maan-dooriyaha, taasi waxay cebsi badan oo dowladda aysan ka qabin ay ku abuurtay ceel-weerada iyo kuwa loogu yeero ‘cabtoyda.’