Somaliland oo lagu eedeeyay inay dishay maxaabiis ay ku qabatay dagaalka L/Caanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka SSC ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa war cusub kasoo saaray dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaaladaasi, kuwaas oo u dhexeeyo ciidanka milatariga Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Waxgaradka SSC ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay dishay maxaabiis ay shalay ku qabatay dagaalkii ka dhacay aagga xerada Goojacadde ee duleedka Laascaanood.

Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug oo ah afhayeenka Guddida 33-ka ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland in si ka baxsan bani’aadanimada ay ula dhaqmeen maxaabiista, kadibna ay si bareer ah u toogteen, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhacdadaasi ay soo bandhigi doonaan, isla-markaana ay xogta rasmiga ah la wadaagi doonaan bulshada Soomaaliyeed.

“Maxaabiistu waa jirta baraha bulshadana waanu lasoo wadaagi doonaa, ragii waxay qabteen oo ay meesha kasoo daynayeen in ay badan koodii laayeena waa la haya” ayuu yiriCaaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dhankooda ay hayaan maxaabiis ciidan oo ay ka qabsadeen Somaliland, balse ay ula dhaqmaan si wanaagsan.

Dhanka kae ma jir wax jawaab ah oo eedeyntan ka bixisay xukuumadda Somaliland ee hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, taas oo ku aadan xaaladda maxaabiista.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Sool ayaa sidoo kale ku warramaya in maanta ay dagan tahay xaaladda Laascaanood oo ay shalay ku dagaalameen labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weli ay is horfdhiyaan labada ciidan, isla-markaana suuragal tahay inuu dib qarxo dagaalka ka socda magaaladaasi.

Laascaanood ayaa waxaa bil ka badan ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan rayid aan waxba galabsan.