Nin horey lacag ugu bixiyey ‘dhismaha guriga’ Farmaajo oo lagu xiray Mareykanka

Minneapolis (Caasimada Online) – Mid ka mid ah raggii sida weyn ugu ololeynayey guriga la sheegay in loo dhisayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu xiray gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka. 

Khadar Jigre Adan ayaa ka mid ah 48 qof oo Waaxda Cadaaladda Mareykanka ay ku dhowaaqday dacwado ka dhan ah, ayada oo lagu eedeeyey inay ku lug yeesheen xatooyadii ugu weyneyd Mareykanka ee lagu sameeyey lacago looga talo-galay gargaarka COVID-19. 

Khadar iyo 47-ka qof ayaa loo haystaa kaalinta ay ku lahaayeen $250 milyan oo laga xaday barnaamij ay dowladda federaalka Mareykanka ugu talo-gashay nafaqeynta caruurta. 

Sida ku cad website-ka Waaxda Cadaaladda Mareykanka, Khadar Jigre Adan, oo ah 59 jir degan magaalada Lakeville ee gobolka Minnesota, ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan khiyaano lacag, wax isdaba marin iyo been xalaaleyn lacag.

Khadar ayaa ahaa maamulaha Lake Street Kitchen, oo ahayd goob qeyb ka ah barnaamijka la tuhunsan yahay in lacagaha lagu lunsaday, goobtaas oo ku taalla xarunta Jigjiga Business Center ee Minneapolis. 

Waxa uu sidoo kale ka mid ah yahay kaliya 7 qof, oo ka mid ah 48-ka oo la xiray illaa hadda. 

Bishii June 5, 2022, Khadar Adan waxa uu boggiisa facebook soo dhigay qoraal uu si weyn ugu ammaanayo madaxweyne Farmaajo, kuna shaaciyey inuu diray $1,000 oo u uku tabarucay guriga la sheegay in loo dhisayo. 

Qoraalkaas ayuu ku yiri “Madaxweynihii hore ee Somalia mudane Mohamed Abdilahi Farmaajo shakhsiyan ima yaqaano laakiin anigaa aqaana, waxaana ku aqaanaa in uu yahay Mohamed Al Amiin iyo xabiibul malaayiin kor u qaaday sharaftiii ay Somalia ku lahayd caalamaka, islamarkaana xafiday amaanadii uu u hayay shacabka Soomaaliyeed. Waxaa galbta Allah SWT noo suura gelyay in aan u diro gurigii loo dhisayay madaxweyne Farmaajo lacag tabarucaad ah oo cadadkeedu yahay $1000 (kun doolar) waxaana leeyahay mahadsanid madaxweyne.”

Khadar wuxuu hadda ku eedeysan yahay inuu kaalin ku lahaa lacag $250 milyan ah oo laga lunsaday dowladda Mareykanka, wuxuuna ku jiraa xabsi.

Hoos ka eeg warqaddii uu lacagta ugu diray Farmaajo oo lagu hagaajiyey agaasimihii hore ee warfaafinta Villa Somalia Cabdirashiid Maxamed Xaashi.