14 sano kadib ciidan ka baxay MUQDISHO oo safar dhulka ah ku tagay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Gadiid siday sahayda ciidanka ayaa markii ugu horeysay muddo 14 sano ah si nabad ah ku gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug kadib markii ay safar dhanka dhulka ah kaga baxeen magaalada Muqdisho.

Gadiidka siday sahayda ciidan ayaa waxaa ilaalinayey ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan kuwa Soomaaliya, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Dhuusamareeb.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, gaadiidkan ayaa gaarayey illaa 12, waxaana saarnaa ciidamada Gorgor ee ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Sahayda loo wado ciidanka ku sugan gobolada dhexe ayaa markii hore waxaa lagu geyn jiray diyaarado, waxayna tani imaaneysaa xilli ay kooxda Al-Shabaab wajaheyso kacdoon kaga imanaya qabiilada daga Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.

Dhuusamreeb iyo degaano ka tirsan Galmudug ayaa waxaa ka socda abaabul xooggan oo ciidan ee ku wajahan dagaanada ay weli ku sugan yihiin kooxda Al Shabaab.

Deegaanada la qorsheenay in kooxda laga xorreeyey dhawaan ayaa waxaa kamid ah Ceelbuur, Ceel-garas iyo Ceel-lahelay oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab muddo aad u badan.

Ciidamada dowladda iyo dadka deegaannada oo iskood isku abaabulay ayaa waxaa ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan bariga gobolka Galgaduud, kaas oo ay hoggaaminayaan saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana iyaguna u jeedkoodu yahay gaaritaanka degmada Xaradheere iyo deegaannada hoos taga.

Sidoo kale waxa lasheegay in Al-Shabaab ay la carareen xarun warbaahineed oo ay ku lahaayeen Ceelbuur, kadib markii ay ka war heleen qorshaha howl-galka ay ku beegsanayaan ciidamada dowladda.