Faallo: Cabdi Iley iyo Nirgaha JIGJIGA

By Asad Cabdullahi Mataan

Baryahanba waxaa xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga ka jirey loolan siyaasadeed oo u dhaxeeya Nin (Ina Ilay) iyo Nirgo (Dhado). Intiina aan horay ula socon, Dhado waxaa ku sifoobey intii loolanku jirey Kooxdan isu bahaysatay, Xistiga, Dib u ridka horumarka deegaanka iyo in lagu caasiyo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo ay horboodayaan sadexda Madaxweyne ku xigeen iyo kuwo kale oo xubno ka ah Gudiga Fulinta ee Golaha Deegaanka ee uu horay dhulka uga soo wada qaatay Madaxweyne CMC.

Kooxdani waxay ahaayeen Koox khibrad iyo Caqli ku filan toona aan u lahayn Xilalka uu Madaxweyne Cabdi dusha ka saarey. Hasa ahaatee wuxuu ku xushay arimo kale oo muhiimad weyn u leh ninkasta oo hogaameye sayaasadeed ah. Arintaasi waxay tahay iyadoo Madaxweynuhu u arkayey in ay yihiin shakhsiyaad uu u tababari karo inay u adeegaan deegaankooda. Una yihiin Hogaankiisa daacad, u dhaga nugulyihiin, dulqaadna u lahaayeen canaantii iyo Ushii uu Aabahood Madaxweynuhu la dul taagnaa ee ay ka ahayd ku dar-dar galinta gudashada xilalkay ku magacawnaayeen.

Dameeruhu waxaa la yiraahdaa – Kaalay, Socodka badi iyo Joogso aan ku raree, midna ma yaqaanaan. Luqada kaliya ee ay fahmaani waa ta Usha. Sidaa si la mida Luqada qudha ee ay kooxdan Nirguhu fahmayeen waxay ahayd Luqada Usha iyo Canaanta. Taasoo uu Ninku (ina Iley) ugu roonaan jirey si ay u bidiyaan dadaalkooda, uguna gutaan howl maalmood kooda si hufan oo Madaxweynaha iyo Shacabkuba ka raali yihiin.

Waa arinta uu Farshaxanka Amiin Caamir ku khaldamay, markuu arkay Canaanta iyo Usha uu Madaxweynuhu ku howl galinayo Nirgaha ee uu is yiri Ninku miyuu waashay muxuu ku / Xigeenadiisa sidaa ugu canaananayaa. Wuxuu gadaal ka fahmay in Nirgahani aanay Luqad kale ooy fahmaani jirin ta Usha iyo Canaanta mooyaane.

Loolankani siduu doonaba ha ku yimaadee, wuxuu salka ku hayaa is maandhaaf u dhaxeeya Madaxweyne Cabdi iyo Saraakiisha ugu sareysa hogaanka Dowlada Federaalka Itoobiya qaarkood.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa – Carrab iyo Daanbaa isugu dhawoo, wey is qaniinaan. Hadey Madaxweyne Cabdi iyo kuwo ka mid ah Hogaamiyeyaasha Sare ee Federaalku is qabteen, waxey isku qabteeni waa danta Dalka Itoobiya oo Medaxweyne Cabdi iyo cida kale ee ay is qabteeniba ay jecelyihiin wanaaga iyo horumarka Dalkooda, Madaxweyne Cabdina uu jecelyahay inuu ku dhameeyo sida ugu fudud ee ay danta Dalka iyo tan Deegaankuba ku jirto.

Waayo dad wada shaqaynaya oo dano fara badan iyo Dalba ka dhaxeeyaa way is qabanayaan weyna kala aragti duwanaan karayaan. Waxaase marwalba waajib ah in si aan is qab-qabsi iyo fowdo toona lahayn oo ay danta Dadka iyo ta Dalkuba ku jirto lagu dhameeyo khilaaf kasta oo yimaada. Mase aha in sida Foodleyda la is dacaayadeeyo ama Sawiro been abuur ah meelahaa lala wareegeysto.

Nirguhu iyo shakhsiyaad kale oo wax ma garato ah oo dabada ka riixayaa, hadaba waxay iska dhaadhiciyeen in hadiiba la wada hadlay la kala tagey

Hadaba is maandhaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Ninka iyo Nirgaha ayaa waxaa sababta ugu weyne ay tahay, Nirgaha oy la soo darastay cabsi badan iyo xasilooni daro baahsan oo ka dhalatay is maandhaafka siyasadeed ee u dhaxeeyay Madaxweynahooda, ilaahay ka sokow sabab u ahaa ianay iyagu wax noqdaan ee Cabdi Maxamuud iyo kuwo ka mid ah hogaamiyeyaasha sare ee heer Federaal.

Cabsidaasi mara ka cararka ah iyo isku kalsooni la’aantu waxay Nirgaha ku kaliftey inay ku balan furan oo ay khayaameeyaan Madaxweynahoodii aaminey, iyagoo rumeysan waayey sida uu isaga ciliyo cadkiisana uga dhacsado iyagana uga difaaco kuwo ay iyagu aamin sanyihiin in ay xaaraanba tahay in hadal lagu celiyo oo la iska dhiciyo.

Fuleynimadaa iyo Salbabakhaa ka dib waxay Nirguhu is tuseen sida qudha ee ay ku badbaadi karaani inay tahay iyagoo ka baxa garabka  Madaxweynahooda si ay ugu beer laxawsadaan Ragay is hayeen. Waxayna bilaabeen inay madaxweynahooda basaasaan oy lugta u qabtaan ragay siyaasada iyo danta Dalka ku hirdamayeen iyagoo u dhaqmaya si laga dhadhansan karo, Caqli Caruurnimo iyo dhaqankii Foodleyda oon inaba Xishood iyo tixgalin kale toona lahayn.

Iyadoo lawada ogyahay in Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar uu yahay Ninka kaliya ee deegaankan Hurumar muuqda oo la taabankaro u horseeday dhan kasta oo laga eegaba isla markaana bilaabay Qadarinta, qiimeynta  iyo isku xidhka Qurbojoogta u dhalatay Deegaanka iyo Dhulkooda iyo ku dhiirigalinta in  ay aaminaan in ay ammaan ku helayaan dhulkay u dhasheen, dibna ugu soo laabtaan dhulkooda si ay ugu noolaadaan maalgashina ugu sameystaan dhulkooda hooyo. Madaxweyne Cabdi hortii Qurbojoogtu kalsooni kumey qabin inay Dhulkooda maal gashadaan iyo inay soo booqdaan toona iyadoo kuwa yimaadani lagu dhici jirey laguna xidh-xidhi jirey.

Waxaa kaloo lawada ogyahay in Madaxweyne Cabdi uu meel kaga soo hadhay kuwii Nabad diidka ahaa ee Dadka iyo Xoolahooduba ka nabadgali la’aayeen isagoo gabi ahaanba dhaq-dhaqaaqoodii soo af jaray

Waxaan cidnaba ka qarsooneyn in uu ilaa iyo hada Madaxweynuhu talaabooyinka uu qaadayaa ay yihiin kuwa caqli gal ah oo ay ka suuro gasho inuu qaado nin walba oo siyaasi ah masuulna ah. Sida inuu awoodiisa si xilkasnimo ah u adeegsado oo uu xilalka qaarkood ka qaado Nirgaha si uu lafihiisa iyo Dalkaba uga badbaadiyo, falalkan basaasnimada, hoosaasinta iyo waxashnimada ah ee uu arkay inay ku kacayaan Nirguhu.

Taa badalkeeda waxay Nirguhu laba jibaareen basaasnimadoodii iyo inay miciinsadaan inay soo sawirtaan Baabuurta Saxaraha loo kireysto iyo Guryo dadow oo ay ku andacoonayaan inuu madaxweyne Cadi Maxamuud leeyahay. Iyo iney aflagaadeeyaan Madaxda qaarkood oo ay ku tilmaamaan kuwo aan xilalka loo dhiibey aan cilmi ku filan u lahayn, taasoo ku tuseysa Foodleynimadooda, waayo waa ragay shalay Golayaasha Dowlada kuwada jireen ee ay wada shaqaynayeen. Waa raga siyaasada Deegaankana hadadan la joogo jaangoynteeda leh.

Waxaa kale oo ay ilaa iyo hada ka badin waayeen inay shacabka  ku maaweeliyaan been aan sal iyo raadtoona lahayn oo ay shacabka ku habaan. Iyagoo in badan aynu wada ogsoonahay inay yiraahdeen waxaan qabanaynaa shir aanu Madaxweynaha xilka kaga xayuubinayno. Wafdi Federaal ah baa barito Addis ka imanaya si ay shirka goob jog uga noqdaan. Gereraal Fulaan baa Madaxweynaha meesha ku haya. Bari baan fadhiisaneynaa. Saadambaan fadhiisaneynaa. Saakuunbaan fadhiisaneynaa. Wasiir baa baaqday. Iyo wasiir fulaanka federaalkaa diidan in Madaxweynaha xilka laga qaado iyo been abuur kale oo fara badan oo ay ku doonayaan inay Deegaanka kaga abuuraan xiisado colaadeed iyo siyaasadeed oo Caqligooda yari kasoo guuriyey Muqdisho oon ilaahay uga baryaayo inuu ka dul qaado.

Arimahaasoo dhan marka la eego waxay ku tuseysaa in Nirguhu iyo Website kooda dhado lasoo dhaca ah ee Degaanka.com ay shacabka been ku habayaan oo xogta shacabku hayo wax ka durugsan oo ay hayaani aaney jirin. Sida shacabku uu dhagta u taagayo uunbey iyaguna dhagta u taagayaan. Markay cid la hadasha ama la xaasha waayaana been ay shacabka ku habaan bey miciinsadaan. Nin daad qaaday Xumbo cuskey.

Falalkaa iyo dacaayadahaa raqiiska ah ee Jigjiga ugubka ka ah ee ay Nirguha iyo Website kooda degaanka.com ee dhado lasoo dhaca ahi adeegsanayaan waxay na dhaxalsiisey in maanta Xarunteena Jigjiga cadowgu ka dhex arko sawirkii xarunta Dalka walaalkeen ah ee Muqdhisho.

Kooxdan Caqli Caruurka ah ayaa soo dheegatey falalkii is-qab-qabsiga ku saleysnaa ee shaydaanku ugu dowgalay Xarunta walaaladeen ee Muqdhisho oon ilaahay uga baryayo inuu nabad ku soo celiyo deg-deg ah.

Basarxumadan ay Kooxdan Nirguhu soo guuriyeeni waxay Deegaanka u horseedayaan dib u dhac baahsan. Nabadgalyo xumo. Xasilooni daro iyo qaabka dowladnimo iyo kala danbeynta uu ku tabcay Madaxweyne Cabdi Maxamuud iyo kuwii ka horeeyeyba oo dib u dhac ku yimaado.

Dadka neceb horumarka Deegaanka ee dhibaatadiisa ku farxa ayaa hadaladooda waxaa ka mid ah, Horumarkan aad arkeysaan kuwii ka horeeyey baa bilaabay ee ina Ilay shaqo ku ma leh.

Hadaba ma is weydiiyeen, haba bilaabeen kuwii hore eh, hadaanu ina Iley ahayn Madaxweyne Dadkiisa iyo Dalkiisa jecel horumarkooda oo uu sida kuwo qaarkood yahay in aaney waxbaba dhamaadeen kuwo kalena ka qabsoomeen. Mase ogyihiin in Afrika iyo Caalamka kaleba ay jiraan dowlado dhaqaalo leh oo badroolka dhoofiya aseen nasiibkood siinin Madaxweyne Cabdi oo kale in aanay ka qabsoomin amaba ka hirgalin horumarka ka qabsoomay Deegaankan Soomaalida Itoobiya.

Carabtu waxay yiraahdaan Caafimaadku waa taaj madaxa saaran. Waxaase dareensan ninka buka. Ka caafimaad qaba ee uu madaxa u saaranyahayse ma dareensana.

Shacabka deegaankow, Nabada, Horumarka baahsan iyo sharafta aad manta leedihiin iyo qadarinta caalamka la idinka qadarinayo yeelanmeysaan hadeydaan ka hortagin Dibindaabyada iyo Mijoxaabinta ay horseedka ka yihiin 3 dan Nirgood oo hadaan laga hortagin Deegaanka u horseedi doona in Baarlamaanka iyo Xafissyada Dowlada dhexdooda la isugu gacan qaado, sida ka dhacda wadamada ay kala danbeyn la aantu ragaadisay.

Shacabkow iyo Baarlamaankow iyo golaha fulintow 3 dan Nirgood iyo kuwa kale ee maanta ku faraxsan in Jigjigi ay Muqdisho oo kale noqoto waxba idiinma hayaane Madaxweynihiina is garab taaga oo dhowrta, Sharaftiina, qiimahiina, horumarkiina, nabada iyo caafimaadka manta aad haysataan. Waxa idinka dhiman eed tabeysaana weydin gaadi doontaan insha allaah.

Cabdi Iley haduu joogana Daacadnimo, Horumar, Karti iyo jacayl uu Dadkiisa iyo Dalkiisaba jecelyahay iyo wax qabad muuqda oo la taaban karo ayuu la joogaa. Haduu tagana Daacadnimo, Horumar, Karti iyo jacayl uu Dadkiisa iyo Dalkiisaba jecelyahay iyo wax qabad muuqda oo la taaban karo ayuu la tagayaa,

Idinkuse Fulayaal Nirgahow soo xaalkiinu hada ma aha Guuli idiin dhoweydaa iyo inaad ku caasideen Ninkaad shalay ugu yeeri jirteen Aabo ee waxaydun ahaydeen idinka dhigay.

Wa billaahi towfiiq.

W/Q: Abduljabar Sheekh Dahir
ajd13@live.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid