Maxay Ethiopia ku maagtay Cabdi Iley?

Siyaasada aan ku tiirsanayn xididada adag waxay ku soo af meerantaa inta qofkaas danta laga leeyahay. Ma aana filayn , qiyaastaydana kuma aysan jirin in Cabdi Maxamud Cumar (Cabdi Iley) ciyaarta siyaasadu dhinaca kale isugu rogi doonto. Waan maqlaynay beryahan oo dhan waa la sitaa Ina Maxamud Cumar, Madaxweynaha Kililka Shanaad ee Somalidu ka degto Ethiopia.

Maanta waxaaa kulan leh Xisbiga Dimuqaradiga Shacbiga Somalida Ethiopia waana goobta la doonayo in lagu kharijiyo siyaasad ahaan Madaxweynaha Kililka Shanaad. gudiga Fullinta ee ka kooban 11 xubnood ayaa waxaa ka soo horjeeda 7 xubnood, codaynta beri wuxuu Xisbigu isku raaci doonaa in xilka laga xayuubiyo.

Maxaa lagu haystaa Cabdi Iley. wax kale ma ahan dantii laga lahaa ayaa laga gaaray. xisbiga iyo gudiga Fullintu maxay waqtigii Adis laga jeclaa uga hor iman waayeen waa iyagii laha Abbe weeye.

Markaad akhriso buuga uu qoray Cabdulaahi Yusuf Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Ilaah ha u naxariistee waxaad ka baran kartaa macna siyaasada ee ku wajahan dalka aynu deriska nahay ee Ethiopia. Arrinta maanta la filayo ee ah in xilka laga xayuubiyo Cabdi Maxamuud Iley, siyaasi kasta oo Soomaali ah xiriir dhowna la leh Ethiopia waa sugaysaa. Shalay Cabdulaahi Yusuf halkuu ka dambeeyey waa og nahay maanta Cabdi Iley…. Beri waa kuma?

NINKII QAYRKII
LOO XIIRAYOW
SOO QOYSO
ADIGUNA.

W/Q: Cabdishakuur Mire Aadan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid