CALI KHALIIF GALEYR DHAGAXUU KU ISTAAGO-BA WAA LA DHACAA (Faallo)

Cali Khaliif Galleyr waa nin masiibadu minin ka dhigatay dhagaxi uu ku istaago waa la dhacaa, ciddi la joogtana waa ka daba dhacdaa.. waxaa jiray nin isaga lagu mathali karo oo ku noolaa waddamada khaliijka midkood..ninkaas muddo ayuu shaqo la’aan ahaa…markii dambe wuxuu helay shaqo mushahar fiican laga qaato.  Muddo aan sidaa u badneyn ayuu shaqadi hayay..maalintii dambe isaga iyo cid allaala cidii la shaqeysay ama saxIib la naqatay waa la wada ruqseeyay iyadoon wax sabab ahna loo sheegin.

Wuxuu isku dayay inuu visa ka helo waddamada Yurub midkood, markaasaa baasaboorki waxaa loo diray dalka Kuwait oo saldhig u ahaa safaaradaha badankooda.  Marki baasaboorki gaaray Kuwait iyadibaa lagu soo duulay oo Saddaam Xuseen qabsaday.  Baasaboorki halkasuu ku dhumay.

Wuxuu go’aansaday inuu Somaliya iska aado, waa markuu bilawday kacdoonki dowladda ku burburtay, Jaalle Maxamed Siyaadna dalki ka cararay…wuxuu Xamar tegay magaalada oo deggan wax rabshada ahna aysan ka jirin.

Maalinti uu tegay ayaa waxaa bilawday dagaalki loo yiqiin seddaxda beri…waxaa ku xigay kii afarta biloood oo bilawday bishi November 1991 ee Caydiid iyo Cali Mahdi kaasoo la joojiyay bishi Maarso oo Ramadaaan  bilawday…markaasuu saaxibkeen u safray dalka Kenya iyadoo laga cararayo dagaalladi inay soo cusboonaadaan.

Maalinti uu gaaray Nairobi waxaa bilawday bannabbaxyo aad u waaweyn oo dad ku dhintay loogana soo horjeeday Madaxweynihi Arap Moi waxaana hogaaminaayay mucaaradka uu madax ka ahaa Ojinga Odinga.

Haddaba Cali Galleyr wuxuu nasiib xumadiisa ka billaabay xilligii kacaanka oo loo diray inuu warshad sonkorta sameysa soo iibiyo, wixi ka dhacay waa la ogaa mana rabno inaan taas ka hadalno.  Waxaa xigtay dowladdi lagu soo dhisay Carta  oo loo magacaabay Raisul Wasaare, waana marki Madaxweyne Cabdi-Qaasim rabshadu ku billaabatay oo nimakii dagaal oogayaasha ahaa (war-loards) ay ka soo horjeesteen waxaana lagu laaluushay lacago fara badan..waxaa lacagti diiday inuu qaato Muuse Suudi.

Cali Khaliif Galleyr wuxuu u dhoofay Ameerika, waana tii ay dhacday September 11..markuu Muqdishu ku soo laabtay beddelkiisi diyaar ayuu ahaa waxaana la magacaabay Xasan Abshir..laakin burburki dowladdi Cabdiqaasim waa bilawday oo Galleyr aa la kacay.

Waa kii barlamaanka soo galay oo markuu ku hungoobay doorashadi af-hayeenka barlamaanka dowladda ka soo horjeestay ilaa uu saaxib la noqday R/Wasaare Saacid, asagana barakadi Cali Galleyr ayaa shibaakada kala baxday oo waa tii barlamaanku kalsoonidi kala naqday.

Galleyr wuxuu iska fadhiistay Nairobi isagoo ka noqday qaswadayashi ximin firfircoon laakin inta uu dhuuman karo is-qariya..ilaa maalintii dambe uu tegay WestGate Mall waana maalinta xasuuqa ka dhici doono.. Berigaas ayaan hamiyay inaan reer Khaatumo oo asaxaab badan aan ku leeyahay u sheego ninkaan inuu yahay mukulaal madow oo ay musiibadu minin ka dhigatay halkuu cagta dhigana deb ka kacaayo.

Isku daygii reer Khaatumo oo damcay inay doortaan hogaan markey isugu tageen Taleex waa tuu Galleyr tegay oo ay ku dhammaatay in Taleex la qabsado isagiina dirqi ku baxsaday, doorashadii dhici lahaydna halkaa looga tanazulo.

Waa taa maalintu Khatumo madaxweyne u naqday ayaan-darradu ku habsatay oo hoog, dhimasho, burbur iyo barakac u horseeday ummadi..dadaa waxay dhihi doonaan waa khuraafaat iyo waxa la yiraahdo “superstition” laakin waa arrin cilmi ku fadhida oo la xaqiijiyay inay jiraan dad noocaas ah oo nasiib darro dusha ku sita meeshi ay ka taliyaana lagu kala cararo… haddaba Intey goori goor tahay Cali ka tashada talana ha u dhiibanina..ma ahan inaan nebcahay waa waanaaga aan la jecelahay inay Khatumo State of Somaliya  cagaheeda ku istaagto dhismaha iyo mideynta dalka Somaliyana dowr fiican ka qaadata dadkeedana dhinac ka raacda.

W/Q: Axmad Calasow

ahmedalasso@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid