Puntland ma mucaaradka Ukraine baa?

Waxaa shalay Garoowe ka dhacay oo lagu soo geba gebeeyay kulan socday una dhaxeeyay hoggaamiyaha Puntland Cabdi Weli Gaas iyo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deeganadaas.

Kulankaas oo ahaa cudud muujin ah ayaa ku soo idlaaday wax lala yaabo oo aan umada Soomaaliyeed ka filaynin iyo beesha caalamka taasi oo ah in ay Puntland ogolaatay in ay la hadasho dowlada Soomaaliya, sida uu goobta ka sheegay xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo sheegay in Puntland ay ka dalbadeen in ay la hadsho dowlada Soomaaliya.

Dad badan waxay is waydiinayaan marka uu eraygaas soo baxo, waa yaabe ma dowlada Ukrain iyo mucaaradka hubeysan oo wada hadlayo miyaa, mase waa laba Dowladood oo laba dal oo jaar ah ka wada dhisan, mase waa Somaliland oo la soo caro iyo dadnimo ahaan loo soo celinayo oo Somalia u baahan tahay in aysan kala go’in ama aysan kala maqnaan karin, su’aashaas bulshada waxgaradka ah ayaa ka jawaabaya?

Kaba daran waxaa ka mid ah go’aamada ka soo baxay halkaas in Puntland ay u fidinayso Dowlada Soomaaliya fursad ah wada hadal lagu asteeyay ama lagu saleeyay mudo 30- maalin oo ka bilaabatay shalay, waa yaab ma Midowga Yurubaa mase waa huwanta NATO oo digniin soo saara kadibna dalka ay rabaan weerara, wax la arag waxna noo laaban.

Tanaa ka soo daran oo ah wada hadalka noo furmaya waa in aya goob joog ka ahaadaan beesha caalamka waa laba dal oo jaar ah sida itobiya iyo eritrea, ???

Hadalada ka soo yeeray maamul goboleedka puntland gaar ahaan madaxweyne c/wali Gaas markii uu shalay hadlayay, dad badan waxay soo xusuustaan 2 bil ka hor hadaladdii adkaa ee dhexmari jiray madaxweynaha Ukraine, Petro Poroshenko, iyo madaxweynaha Ruushka.

Dad badan waxay dhowrayaan hadalka ka soo yeero aqalka looga arimiyo soomaaliya ee madaxtooyada, gaar ahaan xukuumada soomaaaliya jawaabta ay ka bixiso hadaladaan yaabka leh ee ka soo yeeray garowe.

Waxgaradka iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ee la yaabay hadalkaas ka soo yeeray Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf , ayaa ku tilmaamay c/wali Gaas markii uu ahaa musharaxa Puntland in uu ku eedayn jiray c/raxmaan Faroole in Puntland uu ka xiray caalamka iyo Somalia uuna ka dhigay Puntland xarun burcadbadeed.

“ waxaan la yaabay gaas shalay waxa uu lahaa faroole dadkii ayuu ka reebay puntland, maantana asaga ayaa dadka ka reebayo puntland, waxaan leeyahay gaas riyada aad ku jirto iskadaa aduunka waa is badalay riyada aad maalintii riyoonayso” ayuu yiri Faarax Axmed.

Sidoo kale Gaas ayaa xiligan waxa uu ka dhigay Puntland Soomaaliya oo kale, balse waxaa la is waydiinayaa dowlada Somalia haday mar kasta wada hadal la gasho, Puntland, Galmudug, Jubaland, Ahlusuna iyo kuwa kale oo ay u caga jugleeyaan sidii shalay oo kale ma dowlada ayaa dalka iyo dadka u taliso mase maamul goboleedyada qabiilada dhisteen.

Isku soo duuboo C/wali gaas ayaa la mooday bilo ka hor in uu puntland ka bixin doono go’doonka siyaasadeed iyo milatari, balse waxaad moodaa in uu ka dhex guuxayo maamul u samaynta iyo aayaha gobolda dhexe maamul u samaynta gobolada dhexe oo uu odayga ku dhex milmay.

W/Q: Cabdiraxmaan Axmed Jimcaale

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid