Isma lahayn Somalia ayaa kelitalisnimo dib ugu noqon doonta (XOG-WARRAN)

Mudane Hassan Maxamud Calasow ma noqon madaxweyne la mahdiyey, shacabkuna kuma diirsan dowladnimada uu hogaanka u qabtay. Waxey dadku aad uga deyrinayaan dhaqankiisa dowladnimo xumo iyo hanaanka uu u marayo xilkasnimoxumida uu ku hogaaminayo dowladnimda Soomaaliyeed.

Dalka Soomaaliyeed dowladnimadiisa waxaa u soo wada halgamey dhamaan aabayaashii Soomaaliyeed oo sida isdabajooga ahayd ula kulmayey shisheeyihii dulaanka ku ahaa dalka Soomaaliyeed, sidaas daradeed iyadoon ummadda Soomaaliyeed loo kala saarin fikradaha kala duwan oo ay aaminsan yihiin ayaa waxaa haboon in cid walba oo Soomaaliya lagu tixgeliyo aqoontiisa iyo kartidiisa uu dowladda dalkiisa ugu shaqeyn karo.

Waxaa dowladda amnigeeda gacanta loo geliyey dad ku dhexmilan sirdoonka shisheeyaha, kuwaas oo madaxdoodu awooda dowladda ku amartaagleynaya, amarna duldhigaya cidii ay maagaan iney gaboodfal u geystaan. Ciidamadaas waxey u abaabulan yihiin qaab xernimo, waxaana la aaminsan yahay iney ka amar qataan madaxweynaha. Waxey sida dugaaga u ugaarsanayaan dadka ka soo horjeeda sida u dalka dowladiisa u maamulayo madaxweynuhu.

Waxaa liidnimo ah in dalka dib loogu soo celiyey tabihii kelitaliyihii milateriga uu dalka ka hirgeliyey sida xabsiyo qarsoodiya iyo godad bahal galeen ah oo dad dalka u dhashay lagu ciqaabo sida Godka madow ee loo yaqaano Godka Jilicow, halkaas oo wdaniyiinta xiran lagu jirdilo, haddana koronto xoogbadan looga qabto meelo badan oo ka mida jirkooda. Ciidanka fulinaya wuxuushnimadaas lagula kacayo dadka rayidka ah ee ka soo horjeeda masuuliyaddarida dalka lagu maamulayo waxey wadashaqeyn kala dhaxeysaa hayadaha dembi baarista iyo garsoorka oo ku shaqeynaya qaab ku dhisan soo qabo aan xukunee. Taas waxey muujineysa in xertaas qaabka sirdoonka loo soo abaabuley in loo adeegsanayo adeecid ku dhisan danno shaqsiya oo salka ku haya naceyb iyo aargoosi.

Waxaa hadda dalka ka socda sidii la isku raacsiin lahaa wadashaqeynta dulmiga ku dhisan ee haydaha amniga iyo kuwa garsoorka, taas oo looga jeedo hayadaha amnigu iney soo xiraan mucaaradka siyaasadeed ee ka soo horjeeda hogaanxumada madaxweynaha, iyaga oo u sameynaya qiil lagu xukumi karo, dabadeena u soo gudbiya garsoor loo diyaariyey in cida dhegta laga soo qabto la mariyo ciqaab horay loogu dejiyey. Waxaa hadda dhameystir maraya abaabulkii lagu abuuri lahaa garsoor hayiin u ah amarka madaxweynaha iyo xulafadiisa, kaas oo ah shabaq loo maleegayo siyaasiyiinta ka soo horjeeda dowladxumida dalka ka jirta.

Madaxda adeegsaneysa xertooda sirdoonka iyo garsoorka ku hawlgelaya amarkooda waxey awoodahooda caburinta ku bartilmaameysanayaan suxufiyiinta gacantooda ka madaxbanaan, siyaasiyiinta mucaaradka, xildhibaanada aan ku fikirka ahayn, iyo horjoogayaasha ururada rayidka oo ay ku guuldareysteen iney milkiyaan. Ujeedada ugu weyn oo ay u sameynayaan caburinta waxey tahay in dalka gudahiisa ay ka tirtiraan cid siyaasadooda mucaarid ku ah si ay dalka gudahiisa uga abuuraan maamulo ay hogaaminayaan xubno ka mid ah xertooda, taas oo ay qorshe ahaan ku damacsan yihiin iney ku boobaan codadka dadka marka ay timaado doorashooyin ka dhaca dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo xulafadiisu waxey awood ka raadiyeen dhaqan kelitalisnimo oo shacabka si xooga loogu qasbayo taageerida fikradahooda siyaasadeed, cida diidana loo adeegsanayo xertooda sirdoonka oo ay kala kulmayaan argagixin iyo cabsigelin xoogan.

Waxaa dhowaan soo baxay in hubka laga dhigo dadka hubka u haysta iney isku difaacaan oo gaar ahaan la bartilmaameysanayo shaqsiyaadka aan taageersaneyn maamulxumida dowladda. Dhinaca kale waxaan muuqan hubka la qaadayo cida lagu wareejinayo, taas oo la tuhunsan yahay in lagu hubeynayo xerta taageersan madaxweynaha ama loo iib geynayo suuqyada hubka.

Waxaa sidoo kale la sheegay in amarka madaxweynaha lagu soo xirxiray milkiilayaasha iyo suxufiyiinta ka shaqeynayey warbaahinada madaxbanaan ee Shabelle iyo Sky. Waxaa la xaqiijiyey in sirdoonka ka amar qaata madaxweynaha ay saddex ka mid ah suxufiyiinta ay soo xirteen ay ciqaabo ka baxsan bani aadaminimada kula kaceen iyagoo jirdil xoogan u geystey. Saddexda masuul oo ah madaxda warbaahinta Shabelle iyo Sky waxey kala yihiin milkiilaha Shabelle mudane Cabdimaalik Yuusuf Maxamud; madaxa wararka Shabelle mudane Axmed Cabdi Xasan, iyo madaxa warbaahinta Sky mudane Maxamud Maxamed Carab.

Madaxdaas warbaahinta madaxabanaan waxaa loo geystey gaboodfal ka dhan ah Soomaalinimada, islaanimada, iyo aadaminimada iyaga oo jirkooda lagu qabtay koronto xoog badan, dhaawacyana ay jirka gudahiisa ka soo gaareen garaacis wuxuushnimo ah oo lagula kacay. Sidaas oo ay tahay ayaa haddana waxaa loo diyaarinayaa ciqaabihii lagu xalaaleyn lahaa xukunkooda. Dadkaas waxaa loo diidey ehelkooda iney soo arkaan xaaladooda caafimaad oo aad looga deyrinayo iyo in loo ogolaado iney soo booqdaan dhaqatiir daryeesha caafimaadkooda.

Maskax talo xun waxaa laga dhaxlaa dhibaato reebta cawaaqibxumo dabada ku wadata is u gaarsi iyo in awooda dowladda loo adeegsado si loogu fuliyo dano shaqsiya oo ku saleysan aargoosi siyaasadeed. Soomaaliya horay ayey u soo martay dhaqanxumadaan loo adeegsanayo awooda dowladda, waxaana ka dhashay dagaal sokeeye oo cirbxumadeeda ay weli hadda dalka ka taagan tahay. Ismalaheyn madaxweynaha Soomaaliya ayaa dowladiisa u horseedaya in dadka fikirkiisa siyaasadeed ka soo horjeeda uu ula dhaqmo sida ay caanka ku ahayeen kelitaliyeyaasha isaga ka horeeyey. Haddii jirdil, argagixin, iyo xukun xabsiyo dulmiya ummad lagu marsiin karo taageeridda dowlad xun, Soomaaliya heerka ay maanta joogto ma soo gaarteen.

Xisbiga Dadka wuxuu si xoogan uga soo horjeeda tacadiyada ka dhanka ah aadaminimada oo dowladda Mudane Hassan Maxamud Calasow ay kula kaceyso siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo saxaafadda madaxabanaan. Xisbigu wuxuu codsi u dirayaa hayadaha dhowra xuquuqda aadanaha iyo kuwa baara dembiyada madaxdu ka gasho shacabkeeda oo saldhigyadoodu ku yaalaan wadamada Mareykanka, Ingriiska, iyo Holland. Xisbigu wuxuu si gaara dacwad uga gudbinayaa dowladda u hogaaminayo mudane Hassan Maxamud Calasow oo si bareera ugu tumatay xaquuqda rayidka iyo ku xadgudbida hantidooda kadib markii ay dhaceen qalabka warbaahinta Shabelle iyo Sky, milkiloyaashi iyo suxufiyiintiina ay ku jirdileen xabsiyo qarsoodiya oo ay ka jirto xaalad ka baxsan insaanimada.

Xisbiga Dadka wuxuu aad uga walaacsan yahay xabsiyada qarsoodiga ah oo shacabka Soomaaliyeed loogu geysanayo tacadiyada ka dhanka ah insaanimada, kuwaas oo ku kala yaala madaxtooyada, degmada Boondheere, iyo xerada Xalane. Si kasta oo loo adeegsado caburin, cagajugleyn, dilal qorsheysan, iyo xatooyo loo adeegsado awooda dowlada oo lagula kacayo hantida sida gaarka ah loo leeyahay marnaba shacabka Soomaaliyeed uma suurogelin doonto iney rumeystaan in taloxumo ka dhalatay hogaanxumo liidata ay dalka Soomaaliya u horseedi doonto dhaqangelinta dowladnimo wanaagsan oo shacabku ay ku kalsoonaadaan.

Madaxweyne Soomaaliya mudane Hassan Maxamud Calasow waa inuu aamina xoriyada ay rayidka Soomaaliyeed u leeyihiin iney cabiraan oo dhaliilaan madaxda dowladda, mucaaradka iyo muxaafadka dowladuna cid walba waxey fikirkooda u soo gudbineysaa shacabka. Haddii ay dhacday in dowladu ay ku guuldareysatay in maamulxumadeeda ay taageero uga weysey shacabka, ma aysan habooneyn iney madaxda dowlada fikirkeeda siyaasadeed xal ugu raadiso iney xoog ku muquuniso.

W/Q: Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dadka
saciidciise258@aol.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid