Xasanoow walee askari baahan cadow kaama celsho (Sidee loga bixi karaa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa inta badan Xarumaha iyo Saldhigyada Dowlada Federaalka Somalia ka shaqeeya Shaqaale iyo Askar badan oo aan qaadan Xuquuqdii ay ku lahaayen DF.

Waxaa jira Musuq baahsan oo ka dhashay koontorool la’aanta Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha DF oo aysan ku sameyn Xafiisyada Dowlada, iyadoona ay taasi dhashay in Wasiirada iyo Taliyayaasha ay Musuqaan Mushaaraadka yar oo ay qaadanayaan Shaqaalaha iyo Askarta.

Ciidamada Dowlada qaarkood ayaan qaadan wax Mushaar ah, waxa ayna ku noolyihiin shaxaad ay ka qaatan kuwa Mushaarka qaata ama shaqsiyaadka ay waardiyaha ka yihiin, taasi waxa ay keentay in Askariga baahan uu Cadowga u fududeeyo Weerarada IWM maadama uusan heysan wax dhaqaale ah oo kasoo galaaya dhanka DF markii laga reeba Naftiisa oo uu ku ilaalsanaayo Ciidamada kale ee saaxiibada la ah kana tirsan Dowlada.

Haddii loo kuurgalo tirada Ciidamada Mushaarka qaata waxa ay gaarayaan %20, halka kuwa kale ay yihiin kuwa aanooyin horay u geystay oo Naftooda ku ilaalsanaaya Dowlada iyo kuwa ka tirsan Dowlada oo aan lasiin Mushaar, kadib markii uu ka awood batay garab la’aanta, waxaana xaqiiq ah in badi Askarta lagu qoro qaab Qabiil hoos iska taabasho ah.

Haddaba Madaxweyne Xassan iyo Ra’isulwasaaraha Dalka yaysan sugin in laga ilaaliyo Cadowga haddii aysan sameyn Qodobada soo socda:-

1-Inay dabagal ku sameeyan qaabka loo bixinaayo Mushaaraadka Dowlada.

2-Inay Unugyo daacad ah ku dhex yeeshaan Xarumaha Dowlada gaar ahaan Wasaarada Maaliyada iyo xarumaha lagu bixiyo Mushaarka.

3-In Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ay sameystaan Xubno diiwaangalsha dadka aan Mushaarka qaadan.

4-In Madaxda dalka ay Ogaadan in ruuxa Cadowga ka celinaaya ama Dowlada u shaqeynaaya uusan aheyn Wasiirka ama Taliyaha, balse waxaa Howsha sameeya Shaqaalaha Ama Askarta, halka Wasiirada aysan ka warqabin howlaha looga baahan yahay xafiisyada.

5-In Dowlada ay ku qanacdo in xarumahooda lagu weeraro waa haddii aysan Xuquuqdooda siin Karin Askarta iyo Shaqaalaha u shaqeeya, waayo Hal ruux ayaa Qaran fasaadin kara waa haddii ay dhacdo inuu gudbiyo sirta qaranka.

Dhanka kale, Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha waxaa looga fadhiyaa inay ka taliyaan aayaha dalka iyo dadka oo aysan ku ekaan Musuq ama fiirsashada Mushaarkooda oo kaliya, waxa uuna weerar ama Dagaal lagu qaado uu u jiraa inta ay u jirto Bixin la’aanta Xuquuqda Askariga.

W/Q. Intisaar Axmed ‘’Runsheeg’’

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com