Wariyoow ku qanac xirfadaada!

By Asad Cabdullahi Mataan

Maqaalkan gaaban ayaa qoray markii aan arkay suxufiyiin badan oo Soomaali ah kuwaasoo aan ku qanacsaneyn xirfadda ay lee yihiin ama ay ku shaqeystaan, sababo badan oo jirra.

“Saxaafadda Soomaaliya dhaqaale ma lahan, xirfadan kaliya kama shaqeeyo meelo kale ayaan ka qaraabtaa, hey’addo kale ayaan la shaqeeyaa, dhaqaale iyo in aad caan noqoto la iskuma helo, suxufi qofka ah waa Ceyr ama Faqiir iyo erayo la mid ah ayaan kala kulmay dhowr wariye oo la sheekeestay kuwaasoo ka howlgalla Muqdisho, Hargeysa, Garoowe, Kismaayo Baydhabo, Jowhar iyo deeganno kale.

Haddaba, intaas kaddib ayaan waxaan is iri bal arrintan la qeybso xirfadleyda saxaafadda iyo dadka la jidbeysan howsheena.

Maxaa sabab u ah arrintan?

Marka laga hadlaayo saxaafadda xorta ee Soomaaliya ayaa ah mid nagu cusub waxaana ay noqotay meel si fudud loo soo tiiksado.

Waxay noqotay saxaafadda meel aan shuruud iyo aqoon aan la isku xeerin,waxaana ay noqotay gurri aan lahayn albaab laga galo ee daaqad uun leh, cid kastana sidda ay ku gasho ay lee dahay gurigaas, waana tan keentay badi suxufiyiin ka shaqeeya maanta Soomaaliya in ay ku noolaadaan nolol cariiri ah.

Ma is tiri haddiiba ay heerkan arrinto joogto waa u xalaal Shuruurka suxufiga

Ma dhahayo suxufiga ha qaato lacagta sharuurka loo yaqaano taasoo uu bixiyo ruuxa ama shirkadda is-beecgeeneysa, waana haddii si kale loo yiraahdo lacagtaas ay la mid tahay adigoo lagu siiyay laaluush.

Waa xaaran in aad dhageystahaaga ku maaweeliso barnaamij uu kaa iibsaday qof kale halkii aad uga soo deyn lahayd barmaamijkii uu sugaayay.

In kastoo horrey loo yiri (Af wax cunay xishow) haddana suxufiga maanta ka shaqeeya Soomaaliya ee laga sugaayo masruuf isla markaana goobta uu ka shaqeeyo aan dabooli karin baahidiisa maxaa ka reebaya in uu qaato lacag uu ku iibsaday sharraftiisa iyo tan dhageystihiisa.

Inta badan dood ayey ka dhalisay suxufiyiinta lacagta sharuurka, balse meel kasta waa xaalkeeda.

Yaa leh ama maamula warbaahinta xorta ah ee ka shaqeysa Somaliya?

Warbaahin xor ah waxaa la sheegaa in Soomaaliya ay ka hana qaatay wixii ka dambeeyay burburkii dalka 1991, waxaana dadka sameestay ay u badan yihiin ganacsato, kooxo leh danno gaar ah iyo dad doonaya in ay qaab ganacsi u furtaan.

Waxaa kaloo iyana xusid mudan inta badan warbaahinta xorta ah ee ka shaqeysa Soomaaliya waxaa madax ka ah nin ay Qaraabo yihiin shaqsiga leh hey’adda, isku Qabiil yihiin ama ay si kale ay Saaxibo u yihiin, waa ay yartay hey’ad warbaahin oo ay madax ka yihiin dad lagu keenay aqoon ama maba jirto inta ogaalkeyga ah.

Haddiiba arrinku saas yahay waxaaba muuqata in la baalmaray sharciga iyo jaangoynta loogu talay baahida saxaafadda.

Marka laga hadlaayo Saxaafad waa Bar bulshadda ay lee dahay, waana goob fariimaha nooc kasta oo ay tahay la isu marsiiyo.

Saxaafadda Soomaaliya waxaa badi gacanta ku haya dad aan ehel u ahayn shaqada iyo aqoonta saxaafadda, waana tan keentay in xirfadlaha lagu tunto xuuqdiisa, sababna u noqotay in uu ku qanci waayo xirfadda uu lee yahay.

Waxaan is-dhihi karaa waa meelaha ugu horeeya ee xuquuqdooda lagu tunto xirfadlayaasha ka shaqeeya Soomaaliya.

Waxaan goob-joog u ahaa maamule leh ha sheegin mushaarka aad qaadato maadama ay jiraan shaqaale kale oo aad isku shaqo tihiin oo kaa mushaar yer.

Waxaan arkay maamule leh, maxaa iga quseeya hooyadaa oo geeriyootay ama xaaskaaga xanuunkeeda waxaa iiga qiima badan howsha aad u heyso Idaacadda.

Waxaa la ii sheegay maamule shaqaalihiisa ku yiri (I afgaro si aan kuu dalacsiiyo ama aan mushaarka kuu kordhiyo) IWM.

Siddee noo aaminsan yihiin bulshadda aan ka shaqeyno?

Saxaafadu waxay ka mid tahay seddaxda shaqo ee adduunka ugu dhibka badan sidda ay lee yihiin xeel-dheerayaasha xirfadan, oo waxaaba isku bah yihiin DUULIYE DIYAARAD IYO TAKHTAR DAWEENAYA DAD BADAN.

Badi saxaafadda Soomaaliya waxay lagu baratay isku-dir, kala fogeyn bulshadda dhexdeeda ah iyo arrimo kale oo aan la soo koobi karin, waana tan keentay in saxifiga loo arko qof aan la qiimo ahayn barre wax ka dhiga Jaamacad ama iskuul ku yaalla Soomaaliya.

Waxaa jira dad badan oo jecel saxaafadda Soomaaliya laakin ogeyn dhibka gudahooda ka jirra.

Saxaafadda Soomaaliya ma gaartay heerkii laga rabay?

Waa su’aal ka soo burqaneysa maskaxda Soomaali badan. Maxaa yeelay saxaafadda Soomaaliya tiradooda iyo tayadooda ma islahan.

Muqdisho kaliya ayaa waxaa ku yaalla in ka badan 20 Idaacad FM, dad badan ayaana aaminsan in doorkii laga filaayay in aysan wax u dhow xitaa gaarin.

Waxay ahayd in ay ka qabtaan barnaamijyo kor u qaadaya nabadgalyada dalka, isku soo dhawaanshiyaha shacabka iyo kor u qaadida waxbarashadda, dhiirigalinta wax soo saarka dalka iyo ka gudubka ku tiirsanaanta hey’addaha ajnebi ah, taasna badanaa maba sameeyaan.

Waxay ahayd inay door ka qaataan dib u heshiisiinta Soomaalida lakala qobqobay ee qabiilka lagu cufay.

Waxay ahayd in la arko saameynta ay lee yihiin balse ma gaarin hiigsigaas.

Saxaafad horumar gaartay waa dal hormar gaaray.

Maxamedkaafi iyo xoghayaha GOS Duraan Axmed Faarax
Maxamedkaafi iyo xoghayaha GOS Duraan Axmed Faarax

Xalku muu yahay?

Waxaan u arkaa xaalka qoddobadan iyo waxa aad ku dari kartaan:

1-In la sameeyo warbaahin uu tiirkeedu yahay in ay u shaqeyso bulshadda oo aan u taageerin siyaasad ama cid gaar ah, lagana lahayn u jeedo ganacsi ama wax la mid ah.

2-In suxufiga ka shaqeenaya hey’addaas uu noqdo qof xirfada loo qaadanayo leh aqoonteeda, waayo aragnimadeeda iyo in uu diyaar u yahay in uu shaqeeyo dalka, dadkiisa iyo diintiisa.

3-In dadka maamula hey’addaas ay noqdaan kuwa lagu xushay aqoon ee aan lagu xulan danno gaar ah.

4- In la helo mushaar ku filan suxufiga ka shaqeenaya hey’adaas, bulshaddana ay soo dhaweeyaan qofkaa danta dalka ka shaqeenaya.

“Waxaan ahay Wariye, oo waxaan daris la’ahay bulshadda, xeerkeygu waa xaqa iyo runta oo aan sheego, cidna gaar ah uguma shaqeeyo, hiigsigeygu waa dadkeyga oo horrumar gaara, xeerkaan xeeriyaa, miyaan bulshooy, bulshooy kaa mudneen sharraf iyo soo dhaweyn.”

Ugu danbeyntii, waxaan xirfadleyda saxaafadda Soomaaliya ku oran lahaa ku Qanca xirfada aad lee dihiin uguna adeega bulshadda aan ka tirsan tihiin waa hanti uu Alle idin siiyay.

AFEEF: Qoraalkan uma qorin in aan shaqsi gaar ah u gaffo ama aan ku weerarro balse waa hogal tusaaleyn iyo in uu suxufiga jeclaado xirfadda uu lee yahay kuna qanco waxa Alle uu u gartay.

Waxaan ahay wariye muddo sideed sanno ku dhex jiray xirfada saxaafadda, balse waxaa iga xasuusin ah, waxaa muddo dheer aan ahaa ruux hammi ballaaran u haya in uu mar uu noqdo suxufi, waana tan i jecleesiisay xirfadda aan maanta ku shaqeysto iyo in aan ka doorto shaqooyin aan dhaqaale iyo magac weynba aan ku heli lahaa sida aan aaminsahay.

Wixii tallo ama tusaale ah waan soo dhaweenaynayaa.

Mahadsanidiin dhammaan.

W/Q: Maxamedkaafi Cali Muumin

Suxufi-madaxbanaan

+252615517805 ama +252699904810