Sawirro: Safiirka Soomaaliya ee Yemen Naaji oo la kulmay dhiggiisa Holland

Danjire Aldrik Gierveld oo xafiiskiisa ku qaabila Danjire S/Gaas Ismaaciil Qaasim Naaji, maalintii Arbacada aheyd, ayaa waxaa ay labada safiir ka wada hadleen xirriirka soo jireynka ahaa ee ka dhaxeeya labad dowladdood iyo waliba sida dowladda Nertherland ay mar waliba u jeceshahay in horuma la ga sameeyo dalka Soomaaliya, Danjire Cismaaciil Qaasim Naaji ayaa ugu horeyntii uga mahadceliyey Mudane Danjire  Aldrik Gierveld kulunkan taariikhiga ah ee  aynu maantey  ku kulanay, innaga oo kala mataleyno labada dowladood ee walaalaha ah  taas oo ka turjumeysa ayuu yiri Danjire Mudane S/gaas Cismaaciil Qaasim Naaji  ayaa ugu horeyntii uga mahadceliyey sida ay uga go’antahay dowladda Netherlands in ay garabgasho dowladda Federaalka Soomaaliya dhinac waliba haddii ay ahaan la heyd dhinaca maamulka, dhinaca waxbarashada, dhinaca dhaqaallaha, dhica milatariga iyo dhinaca howlaha bini’aadanimada , waxaa uu danjirey Naaji uga waramay xaaladda uu hadda waddanku marayo oo ah mid runtii aad iyo aad uga wanaagsan xilliyadii la soo dhaafay, waxaan hubaa in uu jiro maantay amni la isku haleyn karo oo si wanaagsan loogu diirsan karo, sidoo kale in ay shaqeynayaan dhammaan adeegyadii dowladda iyo goobihii waxbarashadda iyo goobihii caafimaadka oo dhan.

Sidoo kale mudane Naaji waxaa uu xusay in waddanka Netherlands uu yahay waddan runtii ahayo qaxooti soomaaliyeed oo aad iyo aad u farabadan, ku waas oo ku nool runtii nolol aan dhihikaro waa mid ay ku qanacsanyihiin, waxaana ka rajeynayaaa dowladda Netherlands in ay sii laba laabto da’daalka ay ugu jirto samatabixinta dalka iyo dadka soomaaliyeed oo muddo aan ka yareen dhowr Sannadood ay ku bahoobeyn dhibbaatooyin aan halkaan ku soo koobi Karin.

Sidoo kale Danjire Naaji waxaa uu Danjire Aldrik Gierveld kala hadlay qaxootiga soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen guud ahaan halka uu xaalkoodu marayo, oo ah runtii mid aad iyo aad u liito una baahan in mar waliba la iska wareysato,  oo si qaas ah loogu kuur gelo sababtoo ah waxaa jira dhaliyaro Soomaaliyeed oo aad iyo aad u farabadan oo ku nool dalka Yemen oo u baahan in ay helaan waxbarasho ay ku shaqeysataan marka ay ku laabtaan dalka Soomaaliya ku waas oo isugu jira gabdho iyo wiilal, sidoo kale qoysas soomaaliyeed oo runtii ay xaalkoodu aad iyo aad u liito in iyagana dhianca bini’aadanimada loo eego laguna tixgeliyo daruufaha haysata oo aan yareyn.

Ugu dambeyntii kulankaas oo ku dhammaaday jawi is afgarsho labad dhinaca iyo in laga wada shaqeeeyo sidii dowladda federaalka Soomaaliya ay u gaari la heyd u jeeddooyinka ay hiigsaneyso oo ah mid nabadeed iyo horumar, ayuu safiirka Netharlands uu balanqaaday in uu dowladiisa ugudbindoonno wixii laga wada hadlay.

naji1naji2naji3naji4naji5

Kulankaasi danjire Naaji waxaa ku heliyey :

Mudane H.E. Baasha Maxamed Cali oo ah uqeybasanaha Safaaradda Soomaalida Amniga.

Mudane Mr. Suleymaan Maxamed Cali oo ah Xoghayaha Safiirka

Mudane Mr. Abdikhadar Maxamed Cali oo ah IT and Training Officer Somali Embassy

H.E. Abdikhadar Mohammed Ali

IT and Training Officer Somali Embassy Sana’a