Qofkeed ku masaali lahayd Yussur? !!!!

Qofkeed Ku Masaali Lahayd Yusur? W/Q: Axmed-AssadOday: Adeer sawirkaa xafiiska kuu surani ma xaaskaagiibaa?Aniga: Maya Adeer, waa Yusur Abraar

Odaygii: Oo adeer haddaa maxaa isu tihiin?

Aniga: Adeer, waa halyayad Soomaaliyeed, laakiin qaraabo ma nihin!

Odaygii oo yaaban: Oo adeer cimrigaasaan jooggaaye halyayadan aanan maqlini maxay ahayd? Sawirkii buu ku soo dhawaaday bal inuu garto, suu ye: waligayba tan mana arag mana maqal. Dumar la leeyahay waa halyayad oon Xaawo Taakadii 100 shillin ku sawirnaan jirtay ahayn anagu maanu maqal.

Aniga: Adeer waa halyayadda qarnigan cusub!

Odaygii: (Qosol-aan daacad ka ahayn) War illeen anagaa yaab aragnay! Oo adeer maxay ku mutaysatay?

Aniga: Xoolaha masaakiinta iyo danyarta ayay difaacdaa.

Odaygii: Haaaaa, oo ma yarta Somaali Kumuyuunitiga u shaqaysee turjubaanka ah baa?

Aniga: (qosol) Maya, maya, maya adeer, halkan ma joogtee waa gabadh madax ah oo Soomaaliya joogta.

Odaygii oo ka yara xun in aanaan xogta si waafi ah uga dhergin: Waar heedhe waxuun baad sogordohdaaye, si wanaagsan wax noogu sheeg! Maxay qabatay noo sheeg dee!

Aniga: Adeer, Yusur markaan u fiirsaday cadaaladdeeda iyo geesinimadeeda waan waayay qof Soomaali ah oo aan ku masaallo. Mar waxaan is iri ku masaal Axmed Guray iyo Sayidkii, haddana way isu kay qaban waayeen. Waxaan is iri ku masaal Xaawo Taako, haddana way ii qaban wayday. Goor dambe ayaan xusuustay Faarax Maxamed iyo Maxamed Cabdulle.

Odaygii: Ma Faarax Maxamed! Ma Walaalkaa baad halyay nooga dhigaysaa? Oo Sayid Maxamed Cabdulle Xassana sow taad lahayd way isu kay qaban waayeen goormaad haddana is rogtay? (Nin agtiisa fadhiyay ayuu hadalka u weeciyay) waar dee malaa kani wuu soo yar xayd-xaydanayaa! (waalanayaa).

Aniga: (qosol yar), Adeer walaalkay halyay wuxuu u yahay qoyskayaga, laakiin waxaan ka wadaa Faarax Maxamed (Inna Sanwayne). Waa caadilkii Inna Sanwayne ee ku markhaati furay sodoggii Cashuur oo uu inan la’yaal u ahaa (magan xidid ah). Mar ay Cashuur hal baadi ah isku qabsadeen nin socoto ah ayuu ninkii qalaad hashii u xukumay, waana ninka yiri: Gartu Malaha Sodog, Seedi iyo Saaxib e, Gari Allay Taqaan! Wuxuu kaloo yiri: Walaalkaa markhaatiga ku fur, magtana la bixi!

Odaygii: Waar anaga dhagjar(lucture) hanoo akhiriyin Inna Sanwayne ku saabsan oo waanu kaa badinaaye, Maxamed Cabdulle na kumuu ahaa? Waxaan maqli jiray waa dhallaankii hooyadii dhalmada baray! Anigii buu Inna Sanwayne oo aan maqlayay illaa Siigi-Case (abaar qarnigii 20aad ka dhacday waqooyiga) iiga sheekaynayaa! buu yiri.

Aniga: Adeer, Maxamed Cabdulle Xalane waa geesigii markii ciidankii Soomaalida ee Togwajaale xabashidu ku soo duushay1964 arkay calankeenii oo in yar loola saaran yahay, kadibna isagoo calankii doonaya inuu badbaadiyo dhaawacmay, oo haddana isagoo dhiig baxaya calankii la soo gurguurtay oo dhufayskii Soomaalida keenay. Waxayna Xalane naftu ka baxday isagoo leh “cadowgu bir maahee, burburiyaay!”

Odaygii: Waar hadaan gartay! Walaahi Hure Dhikil (Hure-Buqus) barigii billad geesida la siiyay, buu ninkaasi wacdaruhuu dhiggay nooga sheekeeyay, oo dee waa ninkii xeradii Xamar ku taalay ee ciidamadana loogu magac daray. Isagana garanaye. Tan yar maxaad raggaa ugala mid dhigtay?

Aniga: Adeer, Yusur waa gabadhii madaxda ka ahayd Bangiga Dhexe ee Soomaaliyeed, markaa shirkad Maraykan ah oo tuuggo ah oo loo dirsaday inay lacagahii Soomaalida debedaha u yaallay soo …….
Taleefoon: gararam gararam….

Odaygii: Haloow, .haa waan ku maqlaa…..hee…. waanu ku raagsanayaa? Waar mid halkana oo mixnad soconaysa ah baan maanta afka uga galaye in yar ii dulqaata.Aniga: Adeer anigana shaqo badan baa ii taalla, adigana waataa lagu raagsadaye maxaa kaloon kuu qabtaa?Odaygii: Waar bal wax yar i suga (taleefoonkii buu hoos u yara laalaadiyay). Waaryaahee, walaahi gabadhaa aad sheegayso magaceeda idaacadaan ka maqlay oo waa qof libaaxad ah!

W/Q: Axmed-Assad

Barmaamijka Murtisoor
Axmedy98@yahoo.com, AxmedAssad@facebook.com, Twitter: @AxmedAssad Facebook.com/Muritsoor

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid