Nin ku eedeysan dilka iyo kufsiga Xamdi Maxamed oo gobol kale laga soo qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, Zakiyo Xuseen Axmed ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay eedeysane lagu tuhmayo inuu lug lahaa kufsigii iyo dilkii loo geystay Xamdi Maxamed Faarax.

Zakiyo oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa shaacisay in eedeysanaha oo baxsad ah xalay goor saq-dhexe ah lagu qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale waxa ay magaciisa ku sheegtay Maxamed Ibrahim Cismaan oo 24 sano jir ah, kuna dhashay magaalada Muqdisho.

“Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday Xamar falka ka dib.” ayey tiri Zakiyo Xuseen Axmed.

Sidoo kale waxa ay u mahadcelisay ciidamada Booliiska Galmudug ee howlgalka samaayey iyo shacabkii la shaqeeyey ee suura-geliyey in la soo qabto eedeysanaha.

“Waxaa u mahad celineenaa shacabka Galmudug oo ciidanka boliiska ku gacan siiyay soo qabashada eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan oo baxsad ahaa.” ayey markale tiri General Zakiyo.

Waa eedeysanihii 12-aad ee loo xiro dilkii iyo kufsigii loo geystay marxuumad Xamdi oo Jimcihii lagu dhaafay laga soo tuuray dabaq ku yaalla degmada Waabari ee G/Banaadir.