Xildhibaan sheegay in dano siyaasadeed laga leeyahay kufsiga iyo dilalka dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Nuur Siidow Baaba, oo ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in kooxo abaabulan oo leh dano siyaasadeed ay ka dambeeyaan kufsiga iyo dilalka ka dhaco dalka.

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu xariir wanaagsan ka dhaxeeyo dadka u doodayo in la meel mariyo sharciga Jinsiga oo ka hor imaanayo diinta iyo dastuurka dalka iyo kufsiga Soomaaliya ka dhaca, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa la abaabulaa kufsiga waxaa lagu bixiyaa lacag, xataa dadka dambiyada gala in aan la xukumin darteed lacag ayaa lagu bixiyaa waana in lala xisaabtamaa dadka ka dambeeyo,” ayuu yiri Xildhibaan Nuur Siidow oo la hadlay warbaahinta gudaha dalka.

“Markii uu qof kufsi gaysto waxaa daba joogo kooxo aan la aqoonin oo lacag haysto kuna dadaalaya in aan la xukumin soo kuu cadeen meyso in lacag lagu bixiyo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Baaba.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale qaba in lacag ay hay’ado shisheeye ku bixiyaan kufsiga si loo meel mariyo Sharciga Jinsiga oo si weyn uga hor imaanayo kaas oo ay si kulul uga hadleen guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ma jirto wax caddeyn ah oo taageeraya hadalka xildhibaan Nuur Siidow Baaba oo muujinaya in kufsiga ay ka dambeeyaan kooxo abaabulan.