XOG: Guddiga soo xulista baarlamanka HirShabelle oo hal caqabad ka shaqeyn la’

Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga soo xulista baarlamaanka labaad ee HirShabeelle ayaa wajahaya dhaqaalo la’aan xoog leh, waxaana la sheegayaa in ilaa hadda aysan wax dhaq dhaqaaq ah sameynin.

Guddigaan oo la magacaabay toddobaadyo ka hor ayaa ilaa hadda yeelan kulankoodii ugu horeeyay, waxaana sidoo kale aysan wali tagin Jowhar oo ah xarunta maamulka.

Sababta ay guddigan u shaqeyn la’yihiin ayaa lagu sheegay in aysan ilaa hadda helin lacagtii ay ku howl geli lahaayeen, taas oo dib u dhigtay howlihii looga baahnaa.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in guddigaan ay dhaqaalaha ka sugayaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo dalalka Soomaaliya ka taageera maal-gelinta arrimaha doorashada.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddigan ay dhowr jeer dalbadeen in la siiyo lacagtii ay ku howl geli lahaayeen maadaama uu waqti haayo balse aan looga jawaabin dalabkaas ilaa hadda.

Mudda xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee HirShabeelle ayaa ku eg 9-ka October ee sanadkaan waxaana ka harsan muddo ka yar 30 cesho, mana muuqato in muddadaas lagu soo dhisi doono baarlaman cusub.