Nin mindi ku hubeysnaa oo xalay DIL iyo dhaawac ka geystay degmada Beledweyn

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa weerar uu fuliyey nin ku hubeysnaa Mindi oo labo gabdhood u geystay dil iyo dhaawac, kuwaas oo ku sugnaa gudaha magaalada Beledweyne ee caasimada gobolka Hiiraan.

Dhacdada ayaa lagu soo warramayaa inay ka dhacday xaafadda Kooshin ee magaaladaasi, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Mid ka mid ah gabdhaha ayaa u geeriyootay dhiig bax, kadib markii uu dhaawac halis ah ka soo gaaray weerarkaasi, sida uu sheegay agaasimaha isbitaalka la geeyey dhaawacyada.

“Dhaawacyo halis ah ayaa soo gaaray labada Gabdhood, mid ayaa u dhimatay dhiig bax sababay in ay galaan xaalad halis ah, howsha lagu badbaadinayo oo socoto ayay geeriyootay mid kamid ah haweenkaas, AUN ayaan leeyahay, Maskaxda ayaa soo daadatay” ayuu yiri Agaasimaha Isbitaalka dumarkan la geeyay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan ay la tacaalayaan gabadha kale oo iyana laga deyrinayo xaaladeeda caafimaad.

“Waxa aan la tacaaleenaa Haweeneyda dhaawaca ah oo dhiig lagu shubay, dhammaan howlaha aan qabano ayaan isugu geynay si loo badbaadiyo, Alle ayaan ugu baryeenaa in uu caafimaad siiyo, waxaana ku yaalla dhaawacyo dhowr ah oo ah meelaha Mindida laga geliyay.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey agaasimuhu.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ninkii ka dambeeyey falkaasi uu goobta isaga baxsaday, mana cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaasi.

Ammaanka degmada Beledweyne ayaa muddooyinkii dambe sii xumaanayey, waxaana ay aheyd dhowaan markii wiil dhalinyaro ahaa oo ku shaqeysanayey mooto Bajaaj si arxan darro ah loogu dilay gudaha magaaladaasi, kadibna dab la qabadsiiyey meydkiisa.