Daawo: Guddiga kasoo talo-bixinta doorashooyinka dalka oo warbixin soo saaray

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga farsamada ee ka baaraan degidda talooyinka la xariira hanaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka, ayaa faahfaahin ka bixiyey halka ay wax u marayaan, kadib shir jaraa’id oo ay goor dhaw ku qabteen Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha guddigaas ahna sii hayaha xilka wasiirka dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in warbixintooda ay u gudbiyeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee ku sugan Dhuusamareeb.

Wasiir Saalax waxa uu sheegay in talo uruurin badan ay ka dhex sameeyeen shacabka iyo mas’uuliyiinta xisbiyada siyaasadda intii ay ku sugnaayeen Muqdisho, isla markaana ay kula soo laabteen madaxda qaranka intooda ku sugan Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay kasoo tala bixiyeen sidii ay dalka uga dhici la heyd doorasho qof iyo cod ah, iyadoo wax kasta lagu saleynayo marxaladaha dalka ka jira.

Xubnaha guddiga farsamada ee ku sugan Dhuusamareeb kuma jiraan xubnihii metelayey dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Sidoo kale sooma gaarin magaalada Dhuusamareeb gabi ahaanba xubno metelaya dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, si ay uga qeyb galaan shirka Dhuusamaareeb-3.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa ka qeyb galka shirka wadatashiga ee Dhuusamareeb-3 shuruud uga dhigay inay kasoo qeyb gasho beesha caalamka.

Hoos ka Daawo guddoomiyaha guddiga wasiir Saalax