Taliyihii Xabsiga Dhexe oo shaqa joojin lagu sameeyay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa shaqada ka joojiyay taliyihii xabsiga dhexe ee Xamar G/sare Aadan Xuseen Kulmiye, isaga oo si kumeel gaar ah taliye ugu Magacaabay Xasbiga dhexe.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Cabdi Qani Maxamed ayaa sheegay in shaqa joojinta ay timid, ka dib dhacdadii todobaadkii hore ka dhacday xabsiga oo aheyd dagaal dhex-maray Ciidamada ilaalada iyo qaar kamid ah Maxaabiista oo la sheegay in uu hub gacanta u galay.

Sarreeyo guuto Daahir Cabdulle Raage ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay in  uu noqdo taliyaha xabsiga dhexe.

11-kii Bishaan Agoosto ayaa xilli galab ah waxaa dagaal uu ka dhex bilaawday Gudaha Xasbiga Dhexe, waxaana Taliska Ciidanka Asluubta uu sheegay in qaar kamid ah Maxaabiista oo hub gacanta u galay Ciidamada ilaalada Xabsiga ay dagaalameen,isla markaana dagaalkaas ay ku geeriyoodeen 15 Ruux oo isugu jiray Ciidamada iyo Maxaabiista.

Horay aya loogu dhawaaqay guddi loo xilsaaray in ay soo baaraan, sida ay maxaabiistu ku heleen hub, kadibna ay toogasho kaga billaabeen gudaha xabsiga, wali ma jiro wax natiijo ah oo ay soo saareen guddigii loo xilsaaray in ay soo baaraan dhacdaas.