Xog laga helay goorta uu furmayo shirka Dhuusamareb 3 iyo wararkii u dambeeyey

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – In ka badan 48-saacadood waxaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug ku sugan madaxweynaha Soomaaliya, inta badan madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, kuwaas oo kulamo gaar gaar ah ay uga socdaan madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Madaxweynayaash Puntland iyo Jubbaland ayaan iyagu weli imaan Dhuusamaareeb, waxaana jirin saan-saan muujineysa inay imaanayaan si ay uga soo qeyb galaan shirka Dhuusamareeb-3 ee lagu wado in uu ka furmo halkan.

Mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada Galmudug ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in shirku uu furmi doono saacadaha soo socda, isla markaana aan furitaankiisa lala sugi doonin madaxda haatan Dhuusamareeb ka maqan, balse lagu qanci doono inay ku soo biiraan shirka.

Sidoo kale xubnaha ka tirsan Madaxtooyada Galmudug waxay noo sheegeen in uu jiro xiriir dhanka taleefoonka ah oo ay la yeesheen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, isla markaana uu Deni ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb-3 shuruud uga dhigay inay ka soo qeyb gasho beesha caalamka.

Sidoo kale dalabka madaxweyne Saciid Deni ee ah in shirka ay ka soo qeyb gasho beesha caalamka waxaa ku gacan seyray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , waxaana xusid mudan in shirarkii kan ka horeeyey ee Dhuusamareeb-1 iyo Dhuusamareeb-2 aysan ka soo qeyb gelin beesha caalamka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan dalka ka maqan ayaan illaa hadda xog buuxda laga gelin damaciisa ku aadan ka soo qeyb galka shirka wadatashiga ee Dhuusamareeb-3.

Axmed Madoobe maalmo ka hor waxaa uu qaliin ku galay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, lamana oga in uu ka soo qeyb geli doono shirkan, mas’uuliyiintan ka tirsan madaxtooyada Galmudug oo aan wax ka qeydiinana way ka gaabsadeen.

Shirka wadatashiga madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee Dhuusamareeb-3 caqabadda ugu weyn ee uu wajahayo waa in dalku uusan Ra’iisul wasaare la heyn, madaxda haatan ka maqan Dhuusamareeb-na waxay ka soo qeygalkiisa shuruud ka dhigeen in madaxweynuhu magacaabo ra’iisul wasaare fuliya wixii kasoo baxa shirkan.