Sheekh Shariif oo digniin culus u diray FARMAAJO

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, isaga oo eedeyn kulul u jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sheekh Shariif waxaa uu sheegay in madaxda Dowladda qorshaha ugu jirin inay qabtaan doorasho sidoo kalena aysan daacad ka aheyn heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa iyaga iyo dowlad goboleedyada.

Sheekh Shariif ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin in aayaha dalka u afduubnaado shakhsiyaad rabo inay kursiga kusii fadhiyaan.

Ugu dambeyn Sheekh Shariif waxaa uu uga digay Guddoonka Golaha Shacabka inay ka fiirsadaan tallaabooyinka aan dastuuriga aheyn ee ay ku dhaqmayaan, iyadoo ujeedka yahay in xil kordhin ay u xallaaleeyaan Madaxtooyada.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka Sheekh Shariif oo dhameystiran

Waxaan aaminsanahay in madaxda dowladdu aysan daacad ka ahayn heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa iyaga iyo dowlad goboleedyada, sidoo kalena aysanba qorshaha ugu jirin qabashada doorasho heshiis lagu yahay.

Xaqiiqdii dalkaan waxaan ka keennay meel aad u adag, sidaa darteed marna ma oggolaan karno in aayaha iyo masiirka ummaddu u afduubnaado ashkhaas kursiga inay sii joogaan kaliya raba.

Waxaan ka digeynaa dhibaato noo muuqata oo madaxda wakhtiga uu kasii dhammaanayo ay ismoodsiinayaan, waxaana caddeyneynaa in aan marnaba laga aqbali doonin in maalin ay kursiga sharci darro kusii joogaan.

Sidoo kale waxaan uga digeynaa guddoonka Golaha Shacabka inay ka fiirsadaan tallaabooyinka aan dastuuriga ahayn ee ay ku dhaqmayaan, iyadoo ujeedku yahay in xil-kordhin ay u xalaaleeyaan madaxtooyada.