SOMALILAND oo war lama filaan ah ka soo saartay xiriirka Imaaraadka & Israel

Hargeysa (Caasimada Online) -Wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya Baashe Cumar Cawil ayaa shaaciyey in Somaliland ay soo dhoweyneyso xiriirka cusub ee dhex-maraya dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta iyo Israel.

Baashe ayaa sheegay in Somaliland oo jecel nabadda ay si buuxdo u taageereyso heshiiskaas oo lagu tilmaamay inuu yahay mid Taariikhi ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in heshiiskani uu tusaale wanaagsan u yahay iskaashiga ka dhexeeya waddamada gobolka ee daneynaya xasilloonida, sida uu hadalka u dhigay.

“Annagoo ah dad jecel nabada waxaan taageersanahay heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhex dhexaadka ahaa ee dhexmarey Isutaga Imaaraatka carabta iyo Israa’iil taas oo lagu bedelay qaadashada isukeeninta miiska (la joojiyo codsiyada madaxbanaanida aagagga Daanta Galbeed). Heshiiska ayaa tusaale wanaagsan u ah isbahaysiga ka dhexeeya waddamada gobolka ee daneynaya xasilloonida gobolka iyo iskaashiga.”ayuu yiri Baashe Cumar oo sidoo kale  horay  Somaliland ugu soo matalay dalka Imaaraadka Carabta.

Taageerada Somaliland ay u muujisay xiriirka Imaaraadka iyo Israel ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay horey u taageereen Jarmalka, Masar, Baxrayn, Cumaan, Boqortooyada Ingiriiska, Faransiiska iyo Qaramada Midoobay.

Si kastaba ha’ahaatee dad badan oo Soomaaliyeed ayuu la yaab ku noqday warka ka soo yeeray Somaliland oo tan iyo 1991-kii raadineyso madax banaani, si ay u go’do.