Villa Somalia oo u jawaabtay guddoomiyaha Aqalka Sare

Muqdisho ( Caasimadda Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa jawaab deg deg ah ka bixisay hadalkii kasoo yeeray Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa shalay ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo inuu ku tuntay Sharciga islamarkaasna uu in kiray doorka ay aqalka sare ku leeyihiin dalka, oo uu ku xadgudbay Dastuurka, isagoo soo qaatay qodobo dhowr ah oo dastuurka ka mid ah.

“Hadal jeedinta Madaxweynaha ee Golaha Shacabka wuxuu ku sheegay waajibaadka saaran kan ugu muhiimsan inuu yahay ilaalinta dastuurka dalka, Madaxweynuhu wuxuu si layaab leh ugu xadgudubay dastuurka dalka, hadaba hadaljeedintiisa waxaa ka soo qaatay dhowr weerood gaf ku ah sharciga,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa sheegay in haddii Golaha Aqalka Sare uu si dhab ah u matalo Dowlad Goboleedyada ay aheyd inay aqbalaan shurucuuda uu aqalka Sare meel mariyey.

Sidoo kale Agaasime Cabdinuur ayaa sheegay inay qalad tahay in Maamul Goboleedyada ay miiska soo fadhiistaan mar kale iyagoo dood ka qabo shaqadii ay usoo wakiisheen Aqalka Sare haddii uu Maamul Goboleedyada si dhab ah u matalo.

“Haddii Golaha Aqalka Sare uu si dhab ah u matalo Dowlad Goboleedyada, waxay si buuxda u aqbali lahaayeen shuruucdii uu Aqalku meel mariyay, loomana baahdeen in DG-yada ay markale miiska soo fariistaan iyaga oo dood ka qaba shaqadii ay usoo wakiisheen Aqalka iyaga matala,” ayuu yiri agaasime Cabdinuur.