Ninkii dilay R/W Shinzo Abe oo shaaciyey sabab yaab leh oo uu sidaas u sameeyey

Tokyo (Caasimada Online) – Ninka dilay Shinzo Abe ayaa rumeysnaa in ra’iisul wasaarihii hore ee Japan uu xiriir la lahaa koox diimeed uu ku eedeeyey inay mas’uul ka tahay dhibaatooyinka dhaqaale ee hooyadiis.

Tetsuya Yamagami ayaa sidoo kale bilo qorsheynayey weerarka isaga oo gurigiisa ku sameystay qoriga uu ku dilay Abe, sida ay booliska u sheegeen warbaahinta. 

Muuqaallo uu baahiyey taleefishinka NHK ayaa muujiyey Shinzo Abe oo taagan masrax uu taageerayaal kula hadlayey markii nin wata shaati leh midab cowl ah iyo surwaal qaxwe ah uu billaabay inuu gadaal kaga soo dhowaado kadibna uu wax kala soo baxay boorso oo uu billaabay inuu toogto.

Ugu yaraan laba xabad ayaa u muuqday in la riday, kuwaas oo ku dhacay ra’iisul wasaarihii hore.

Yamagami oo ah nin aan shaqeyn ayaa kaligiis noolaa, umana jawaabi jirin dadka marka ay la hadlaan, sida ay deriskiisa u sheegeen Reuters. 

Waxa uu rumeysnaa in Abe uu taageeray koox diimeed ay hooyadiis ku hanti beeshay sidii ay lacag ugu deeqeysay, waxaa sidaas sheegtay wakaaladda wararka Kyodo oo soo xiganeysa dambi-baarayaasha. 

“Hooyadey waxay ku qafiiftay koox diimeed aan necbahay,” ayey Yamagami kasoo xigteen Kyodo iyo warbaahinta kale ee Japan. Booliska gobolka Nara waa ay diideen inay ka hadlaan rrintan, 

Warbaahinta Japan ma shaacin magaca koox diimeedka uu Yamagami u careysan yahay. 

Yamagami ayaa waxyaabaha uu ka sameeyey hubka kasoo iibsaday online. Wuxuuna bilo ku bixiyey qorsheynta weerarka, isaga oo xitaa ka qeyb-galay olole doorasho oo kale oo uu ka hadlayey Abe, oo ka dhacay meel 200-mile u jirta halka uu deganaa. 

Kahor inta aan go’aansan inuu qore u adeegsado weerarka, wuxuu ka fakaray inuu isticmaalo bam, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee NHK.

Yamagami ayaa ku noola dhisme ka kooban dhowr iyo toban dabaq, oo uu ka deganaa dabaqa sideedaad. Mid ka mid ah deriskiisa oo ah haweeney 69 jir ah ayaa sheegtay inay aragtay saddex maalin kahor dilka Abe.

“Waxaan ku iri hello. Balse wuu iska key indho tiray. Hoos ayuu eegayey isaga oo aan xirneyn mask. Wuxuu u muuqday qof aan deganeyn,” ayey haweeneyda oo magaceeda kusoo gaabisay Nakayama u sheegtay Reuters. 

“Waxayba la eheyd inaan u muuqan. Wuxuu u muuqday qof ay wax dhibayeen.”

Shinzo Abe wuxuu ahaa ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa Japan. Wuxuu xilka hayey 2006 illaa 2007 iyo 2012 illaa 2020.