Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu Jeneraal Cabdalla Cabdalla Maxamed u magacaabay Taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Ninkan oo beddelaya Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed, ayaa horey usoo noqday taliye ku-xigeenka hay’adda NISA, ayada oo shaqada laga eryay waqtigii dowladdii madaxweyne Farmaajo.
Cabdalla Cabdalla ayaa waxaa lagu xasuusta inuu shaqadiisa ku waayay dacwad uu xilligaasi ka gudbiyay Fahad Yaasiin, isaggoo sheegay inuu Fahad la shaqeeyo kooxaha argagixisada, uuna cadeymo hayo.
Madaxweyne Farmaajo oo markaasi ka carooday dacwadda uu Cabdalla Cabdalla ka gudbiyay Fahad ayaa xilligaasi ka qaaday xilkii iyo weliba darajaddii ciidannimada.
Ninkan oo dib u helay darajadiisi ciidannimo kadib dib usoo laabashadii madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa waxaa hadda loo magacaabay taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka ilaaladda gaarka ah.
Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa dhankeeda xaqiijisay in xilkii laga qaaday, uuna beddelay Jeneraal Cabdalla Cabdalla, iyadoo qoraal ay soo saartay ciwaan uga dhigtay “Xilku waa meerto Difaaca qaranka waa joogto.”
“Adeerkeey Gen Abdalla Abdalla Maxamed waxaa leeyahay soo dhawoow, dhaqsana ku soo laabo aan xilka kugu wareejiyee!,” ayey Jeneraal Zakiya ku tiri qoraalka ay ku shaacisay in Cabdalla Cabdalla lagu beddelay.
Cabdalla ayaa madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dib ugu soo celiyay dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka kadib digreeto kasoo baxday 30-kii Ogoosto 2022.