Ninkii Soomaaliga ahaa ee dalka Australia weerarka ka fuliyey oo xog laga bixiyey

Melbourne (Caasimada Online) – Booliska dalka Australia ayaa waxay faahfaahin ka bixiyeen ninkii Soomaaliga ee shalay lagu dilay magaaladda Melbourne, kadib markii uu tooreey ku dilay hal qof, kuna dhaawacay laba kale, weerarkaas oo lagu sheegay “mid argagixiso”

Warbaahinta Australia waxay shaaciyeen in ninka Soomaaliga ee dilka geystay lagu magacaabi jirey Xasan Khaliif Shire Cali, oo 30 jir ahaa.

Ninkaasi waxaa la sheegay inuu watay gaari dusha ka furan oo uu ka soo buuxiyey haamaha gaaska lagu kariyo cuntada, si uu weerar kale ugu fuliyo, sida ay booliska Australia ku doodeen.

Boliska waxay ninkan ka toogteen laabta, kadib markii uu ayaga weerar ku qaaday xilli ay kusoo baxeen dadkii shacabka ahaa ee uu mindida ku weeraray markii hore, wuxuuna dhaawac ahaan ugu geeriyooday Isbitaalka.

Xasan Khaliif oo sannadihii 1990-aadkii tegay dalkaasi waxaa la sheegay inay hay’adaha ammaanka ay isha ku hayeen, iyadoo baasaboorkiisa Australian-ka laga kansal gareeyey sannadkii 2015-kii, xilli uu u dhoofi lahaa dalka Syria, oo laga cabsi qabay inuu ku biiro koxoda Daacish

Dhinaca kale, nin ay walaalo yihiin Xasan oo lagu magacaabo Cali Khaliif Shire Cali ayaa ku xiran dalka Australia, isagoo ah dacwad-suge ku eedeysan falal argagixisaimo.

Qoyska Xasan ayaan wax war ah weli kasoo saaran dhacdadan cusub ee uu wiilkooda ku lug lahaa.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka oo ay sheegtay inuu fuliyey mid ka mid ah dagaalyahanadeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Melbourne
Caasimada@live.com