NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad halis ah oo Al-Shabaab u qaabilsaneyd…

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa shaaciyay inay hawl-gal kusoo qabatay shabakad halis ah oo ka tirsaneyd kooxda Al-Shabaab.

Shabakadan oo ka kooban 12 xubnood, kuwaasi oo ay NISA sheegtay inay kooxda u qaabilsanaayeen “dilalka qorsheysan, weerarrada tooska ah, uruurinta baadda ay ka qaadaan shacabka iyo tuuridda banbooyinka xilliyada habeenkii ah”.

Howl-galka lagu soo qabatay shabakadan ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo iyo deegaanada hoos taga, sida ay qortay warbaahinta dowladda.

“Xubnaha lasoo qabtay ayaa iskula howl-geli jiray qeyb-qeyb, waxaana ciidanka u suurta-gashay inay gacanta ku soo dhigaan dhamaantood, kadib howlgallo is dabajoog ahaa oo maalmahaan ka socday gudaha magaalada Baydhaba iyo deegaanada ku xeeran,” ayaa lagu yiri bayaan kusoo baxay warbaahinta dowladda.

Ciidanka hay’adda ’ada nabad-sugida Iyo sirdoonka ayaa maalmihii dambe howl-galo ballaaran ka wada guud ahaan deeganada Koonfur Galbeed kuwaasi oo lagu xaqiijinaayo amniga guud ee deeganada maamulkaasi.

Ciidanka NISA ayaa horey gacanta ugu soo dhigay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, ayagoo horeyna u bur-buriyay shabakado ka howl-gali jirey magaalada Baydhaba, kuwaasi oo la horgeeyey sharciga.