Sawirro: MUUSE BIIXI oo guddoomiyay SHIR looga hadlay heshiiska Itoobiya

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qayb-galay shir xasaasi ah oo ka dhacay magaalada Hargeysa, kaasi oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin heshiiskii Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya.

Shirkan oo ahaa midka guddida fulinta ee xisbiga ayaa ka qabsoomay xarunta guud ee xisbiga, waxaan shir guddoomiyey madaxweynaha oo halkaas uu kusoo dhaweeyey guddoomiyaha xisbiga ahna wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin iyo xubnaha hoggaanka ee xisbiga.

Wasiir Kaahin ayaa madaxweynaha uga warbixiyey hawlaha xisbiga iyo sida uu ugu hawlan yahay isu diyaarinta hawlaha doorashooyinka, oo billooyin ka harsan tahay.

Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin dardar-gelinta iyo u diyaargarowga doorashooyinka, heshiiskii u dhexeeyey Somaliland iyo Ethiopia oo meel wanaagsan maraya iyo xaaladda amni ee dalka.

Xubnaha guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE ayaa madasha kasoo jeediyey talooyin iyo aragtiyo aqoon iyo waayo-aragnimo ku dhisan, kuwaasi oo wax ka tari kara dedaalka uu xisbigu ugu jiro inuu markii saddexaad ku hanto tallada.

Guddoomiyaha guddida farsamo ee heshiiska dhex-maray Somaliland iyo dalka Ethiopia ayaa isaguna xubnaha guddida uga warbixiyey halka ay marayaan hawlihii loo igmaday, oo uu sheegay inay meel wanaagsan marayaan.

Madaxweyne Biixi oo hadda ah murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE ayaa isaguna dhankiisa xubnaha guddida fulinta uga warbixiyey heshiiska, waxana uu xusay in ka dowlad ahaan ay diyaariyeen heshiis hufan oo qarankani ka dheefi doono wixii uu ku taamayey muddada dhawr iyo soddonka sanno ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Shirkeenna maantu waxa u ku saabsanaa u diyaargarowga doorashooyina, ra’yiyo badan oo wax ku ool ah oo danta xisbiga iyo ta qarankaba ah oo tabaabulshaha doorashada ahna waynu ka doodnay, go’aammadaana waa la ururin oo ficil baa loo rogi, waqtiganna waxaynu ku jirnaa waqti doorasho, madaxweynuhuna laba koofayadood buu xidhan yahay oo tii qaranka iyo tii xisbigaba waan xidhanahay, immikana ta loo badan yahay waa tii hawlgalka xisbiga,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in loo baahan yahay inaan caaddifadda dadka la gaadhsiinin meel aan laga soo celin karin, isaga oo digniin u diray murrashaxiinta kursiga u hanqal taagaya,“Shacbigu wuu codaynayaa oo qof waliba ninka uu doonayo ayuu u codayn doonaa, laakiin waxa laga midaysan yahay doorashadu inaanay khilaaf inagu keenin oo aan dadka caaddifaddooda nin kursi doonayaa aanu meel daran oo aan laga soo qaban karayn ka tuurin,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa uu intaas kusii daray “KUMIYE ahaan doorashooyinkii waynu gelaynaa, nasiib wanaag inta madaxweyneyaasha u sharraxani waa qolo aynu hore u wada ciyaarnay oo aynu aad isu naqaan, koox cusub oo tolo maxay yeeli doonaan la leeyahay ma aha, dadkuna way is garanayaan, murrashaxiintuna way is garanayaan oo masuuliyaddu iyagay saaran tahay.”