DF oo ka dalbatay QM in la xiro xafiiska UNSOM + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa maanta dalab culus u gudbisay Qaramada Midoobay, kaas oo ay ku dalbatay joojinta shaqada xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya, kaas oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (UNSOM).

Qoraalkan oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa lagu sheegay in la joogo waqtigii ay Soomaalia u madax banaanaan lahayd howlaheeda gaarka ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay haatan horumar ballaaran ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, sidaas daraadeedna ay  door bideyso madax-bannaanida horumarkeeda mustaqbalka.

Sidoo kale waxa ay wasaaraddu sheegtay inay haboon tahay in loo gudbo wajiga xiga, ayada oo doorkeeda si toos ah loo siinayo dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale intaasi ku dartay inay sii wadi doonto dadaalkeena, isla-markaana ay joogteyn doonto arrimaha hortabinta u leh dowladnida.

“Ka dib markii aan si qoto dheer u tixgalinay muhiimada istaraatiijiga ah. Waxaan jeclaan lahayn inaan muujinno in hadda ay habboon tahay in loo gudbo wejiga xiga ee booskayaga. Waxaan kalsooni ku qabnaa in aan sii wadi doono dadaalladayada ku aaddan joogteynta nabadda iyo barwaaqada,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

Ma jiro illaa iyo hadda wax jawaab ah oo kasoo baxay dhanka Qaramada Midoobay oo ku aadan dalabkan kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ku dalbaneyso joojinta shaqada xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta ee Soomaaliya (UNSOM).

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan xafiiska ay kasii tageyso wakiilka QM ee Soomaaliya, Marwo  Catriona Laing oo muddo sanad ah ka howlgaleysa dalka.

Si kastaba, waajibaadka xafiiska Qaramada Midoobay (UNSOM) ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku eg yahay marka la gaaro dhammaadka bisha Oktoobar ee sanadkan 2024-ka.