NISA oo shaacisay halka ay tageen Al-Shabaabkii ka cararay BASRA iyo Hiiraan

Baydhaba (Caasimada Online) – Maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii dagaal culus kula wareegay deegaanka Deynuunaay, oo hoostagga magaalada Baydhaba ee Gobolka Baay.

Maleeshiyadan oo aad u hubeysneyd ayaa dhowr jiho ka weerartay xerada Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin deegaankaasi, iyadoo dagaal culus ka dibna ay u suurtagashay inay si buuxdo ula wareegaan xeradaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegay inay xerada soo banneeyeen, ka dib markii aanay wax gurmad ah ka helin dhinaca Baydhabo, intii ay Shabaab iska caabinayeen.

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee Degmada Baydhabo, Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow) ayaa sheegay in Shabaabka weeraray xerada Deynuunaay ay yihiin kuwii dhawaan laga soo saaray qaybo ka mida Gobolka Hiiraan iyo weliba deegaanka Basra ee duleedka Magaalada Muqdisho.

“Nimankan meesha soo weeraray waa cadowgii dagaalka looga soo saaray Gobolka Hiiraan iyo deegaanka Basra oo Labada Shabelle isku xirto, waana maleeshiyaad aad u tiro badan,” ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa yiri “Maleeshiyadan shalay galab illaa saaka iyagaa gacanta ku haya deegaanka Deynuunaay, mana jirto wax gurmad ah oo gaaray ciidamadii xerada lagu weeraray. Ciidanka Xoogga Dalka waxaan ku ammaanayaa inay si fiican isaga caabiyeen cadowga, laakiin ma jirto cid wax haba yaraatee gurmad ah u dirtay ciidamadaasi.”

Taliye Aflow ayaa tilmaamay in kooxaha argagixisada ay ka faa’iideysteen habacsanaan ka jirta dhanka Maamulka Koonfur Galbeed, oo ku mashquulsan sida uu yiri arrimo siyaasadeed.

“Cadowgu wuxuu ka faa’iideystay Maamulka Koonfur Galbeed oo arrimo siyaasadeed ku mashquulsan. Midda kale waxaan jirin wada shaqayn toos ah oo ka dhaxeysa maamulka iyo shacabka, maxaa yeelay nimankan waxay soo mareen dhul dheer, sidee ku suurtagashay inay si fudud ku yimaadaan Deynuunaay, oo Baydhabo afkeeda ah? Dabcan waxaa meesha ka maqan isku xirnaantii maamulka iyo shacabka, sababtana wax kale ma ahan, shacabka ayaan ku kalsoonayn maamulka,” ayuu yiri Aflow.

Dagaalka ay Shabaab kula wareegeen Deynuunaay ayaa imaanaya, maalmo uun ka dib, markii Ciidanka Xoogga Dalka la sheegay inay dhaqdhaqaaq ka dhan ah mintidiinta ka bilaabeen Gobolka Baay.