Sawiro: Laba qof oo Soomaali ah oo lagu dilay Mareykanka

Indianapolis (Caasimada Online) – Magaalooyin ka tirsan dalka Mareykanka ayaa waxaa 24 saac gudahood toogasho lagu dilay laba qof oo Soomaali ah oo kala daganaa laba gobol oo kala duwan sida booliska sheegay.

Qofka koowaad oo lagu magacaabayey Cabdukadir Filanwaa kaasoo ahaa darawal ku shaqeysta gaadiidka Tagsiga ayaa waxaa lagu toogtay magaalada Indianapolis.

Booliska ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen laba qof oo mid aheyd dumar kuwaas oo lagu kala magacaabo James Riley iyo Alysianna Martin kuwaas oo looga shakisan yahay inay dilka geysteen kadib markii laga dhex arkay kaamiro ku xirneyd baabuurka uu waday marxuunka la dilay.

Muuqaalo ay duubtay kaamirada ayaa laga dhex arkay ninka dilka geystay kaasoo uu muran dhex maray marxuumka la dilay Cabdukadir Filanwaa.

Sidoo kale, magaalada Seattle Washington ayaa waxaa isna toogasho lagu dilay Allaha u naxariistee Maxamed Kediye oo isaguna ahaa darawar ku shaqeysta waditaanka ganacsiga gaadiidka ee Lyft sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday booliska.

Waqtiga la dilayey marxuum Maxamed Kediye ayaa la sheegay inuu qof ku waday baabuurka, waxaana laga dhex toogtay gaari kale oo garabkiisa marayey sida ay sheegeen Soomaali goob joog u ahaa halka uu dilka ka dhacay.

Weli gacanta laguma soo dhigin qofkii ka dambeeyey dilka  marxuum Maxamed Kediye sida ay xaqiijiyeen saraakiisha booliska magaalada Seattle balse waxaa socdo baaritaan lagu raadinayo.

Dilkan dalka Mareykanka Magaalooyin kamid ah loogu geystay laba rag Soomaali ah ayaa kusoo aadaya xilli dalkaas uu ku sugan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

muddooyinkii dambe waxaa soo badanayo Soomaalida lagu dilayo gudaha dalka Mareykanka lamana yaqaano sababta keentay dilalkaas.