5 arrimood oo uu horey ugu fashilmay Madaale oo hadda uga baahan inuu xoogga saaro

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Xuseen Jimcaale oo loo garan ogyahay Madaale ayaa todobaadkaan la wareegay xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir. Ninkaan oo horey gobolka usoo hoggaamiyey ayaa nasiib u helay inuu mar kale dib u qabto xafiiska.

Inaad noqoto guddoomiyaha gobolka Banaadir waa mid kamid ah awoodaha ugu sarreeya ee Soomaaliya xagga miisaanka taasoo loo sababeeyo tirada dadka, dhaqaalaha, caasimadnimada iyo waxyaabo kale.

Balse dadka halkaan soo maray maamul ahaan waxaa badi la duraa fahamkooda hoggaamineed. Madaale oo mar kale xafiiskaan kusoo laabtay waxa uu leeyahay waydiimo gaar ah.

Dadka waxay badi akhrisanayaan waxyaabihii uu ka gaabiyey kal xukunkiisii hore iyo macquul ahaanshaha inuu arrimahaas ahmiyad gaar ah siin doono markaan.

Waxyaabaha ay dadka Muqdisho xasuustaan marka ay Madaale maqlaan waxaa kamid ah:

1- Dhanka Maaliyadda

Madaale wuxuu maamulkiisii hore awoodi waayey inuu hanaan casri ah u dhiso maaliyadda gobolka Banaadir, wuxuu xafiiska banneeyey iyadoo shaqaalaha gobolka Banaadir ay lacagta gacanta ka qaataan, balse maamulkii ka dambeeyey ayaa dhisay hannaanka maamulka maaliyadda gobolka Banaadir.

Wuxuu hadda kusoo noqday xafiiska iyadoo shaqaalaha gobolka Banaadir akoono ku qaataan lacagtooda. Nidaamkaan wuxuu suuliyey musuq maasuqii lacagihii gacanta lagu dhiibi jiray.

Hadda waxaa hortaalo Madaale waxa uu ku biirin karo nidaamka maaliyadeed ee gobolka Banaadir oo weli la aaminsan yahay inuu casriyeyn u baahan yahay.

2- Lacagaha gobolka Banaadir iyo siyaasadda

Maamulkii hore ee Madaale waxaa lagu eedeeyey inuu ku guuldareystay inuu xafiisyada sare ee dowladda ka hor istaago in lacagaha dowladda hoose ee Xamar loo adeegsado dagaalo siyaasadeed.

Inkastoo uu dhaqankaan weli haraadi ku hayey gobolka Banaadir, haddana xilligiisii hore waxaa lagu tilmaamaa waqtigii ugu darnaa dhaqankaas.

Tani waxaa musuqmaasuq iyo cuuryaamin lagu sameenayo horumarka Banaadir. Sida uu kalkaan uga hortagi doono in lacagaha gobolka Banaadir ay madaxda sare dano gaar ah ku qabsadaan ayaa la eegi doonaa.

3- Tabarucaada Amniga

Madaale wax badan kuma biirin shaqada amniga caasimadda muddo xileedkiisii hore. Wuxuu hadda kusoo laabtay xafiiska amniga caasimadda oo qasan.

Inkastoo ay badi durayaan inuu leeyahay xirfad uu ku bixiyo tabarucaad iyo talo amni haddana maadaama ay dhibaatada ugu badan Muqdisho taalo inuu kaalin ku lahaado amniga ayaa muhiim loo arkaa.

Sidii xukunkiisii hore inuu amniga gacmaha ka laabto iyo in kale ayaa sidoo kale la eegayaa.

4- Matalaad siyaasadeed

Wixii ka dambeeyey markii uu madaxweyne Farmaajo badalay Madaale oo uu magacaabay Thaabit Cabdi Maxamed wuxuu gobolka Banaadir helay matalaad siyaasadeed, waxaa loo ogolaaday ka qeybgalka shirarka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Sidoo kale, deeqaha caalamiga ah ayaa la bilaabay in gobolka Banaadir wax laga siiyo. In intii uu matalaada ugu yimaado difaaco iyo inuu doono in kale oo dheeri ah sida matalaada aqalka sare iyo maqaamka caasimadda iyaduna waa xujo kale oo hor taalo guddoomiye Madaale.

5- Shaqo abuurka

Dhallinyarada gobolka Banaadir waxay wajahayaan shaqo la’aan xoog leh, imaatinka shaqo badan waxay u baahan tahay hal abuur maamul.

Dadka qaar ayaa weli dhaliilsan gaabis shaqo oo la galay kal xukunkii hore ee guddoomiye Madaale. Waxay dallinyarada qaar qabaan in xilligiisii hore ahmiyadaas la il duufay.

Hadda dhallinyarada waxay sugayaan waxa uu ka qabto shaqo abuurka.

Shantaan arrimood oo Madaale dhibcaha hoose ka keenay waqtigiisii hore ayaa hadda la eegayaa waxa uu ka badali karo.