Somalia oo ka qeyb galaysa shirka shidaalka Afrika xilli ay Puntland soo saartay digniin

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Maxamed Cumar  ayaa si rasmi ah uga qeyb galaya Toddobaadka Shidaalka Afrika ee lagu qaban doono dalka Koonfur Afrika 3 ilaa 7 Bisha soo socota ee October.

Shirkaan oo ay ka qeybgeli doonaan illaa 30 wasiir ayaa waxaa soo agaasintay Hyve Group Pl oo ah qaban qaabiyaha bandhigyada caalami ah ee arrimaha shidaalka, waxaana shirka la isugu keeni doonaa hormoodka daneeyayaasha tamarta.

Sida uu lagu sheegay warbixin kasoo baxday Afrika Oil Week, wasiirka Batroolka dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inuu abuuro suuq soo jiidasho leh si xoogga loo sasaro sahminta, horumarinta kaabyaasha dhaqaalaha ee gobolka.

Todobaadka bandhigga shidaalka Afrika ayaa kusoo aaday, iyadoo uu khilaaf ka taagan yahay sahminta shidaalka Soomaaliya. Maamulka Puntland oo kamid maamul goboleedyada dalka ayaa sharci darro ku tilmaamay tallaabada dowladda ee qandaraas bixinta shidaalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa looga digay halis badan oo ka imaan karta isku dayo baalmarsan gabi ahaanba dastuurka iyo xeerarka Soomaaliya.

“Si kastaba, xeerka shidaalka Soomaaliyeed ee 2020 ee lagu muransan yahay wuxuu xadgudub ku yahay qodobada kala ah, 44, 51, 53 iyo 54 ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ee 2012,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Qodobka 44-aad ee dastuurka wuxuu dhigayaa in kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya lagu wadaago hab wada-xaajood ah oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka. Si kastaba, ansixinta xeerka shidaalka Soomaaliyeed ee 2020 wuxuu ahaa mid aan loo marin habraacii dastuuriga ahaa, sidaas darteed, waa mid aanay aqbali karin shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna dowladda iyo shacabka Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Puntland ayaa sheegtay in mowqifkeeda uu yahay in horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya loo maro hab-raacyada dastuurka KMG ah ee dowladda federaalka, lana waafajiyo dastuurada dowlad goboleedyada dalka.

“Xeerka shidaalka Soomaaliya ee 2020 waxaa ansixiyay baarlamanka federaalka iyadoo aan lagala tashan dowlad goboleedyada.  Maqnaanshaha hanaankan wadatashi ee muhiimka ah darteed, sharcigan waxaa loo arkaa mid aan dastuuri aheyn,” ayey tiri Puntland.

Puntland ayaa sheegtay inay ugu digeyso dowladda federaalka inay joojiso fulinta sharcigan aan waafaqsanayn dastuurka dalka, kaas oo keeni kara xasillooni darro hor leh oo dalka ka dhalata, waxna u dhimi kara hannaanka dhismaha dawladnimo, ugu dambayntiina hurin kara kacdoon shacab iyo rabshado, sida qoraalka loo dhigay.

“Dowladda Puntland kama qeyb noqon doonto hanaankan sharci-darrada ah, sidaas darteed, waxay xaq u leedahay inay ka baxdo ilaa inta dib looga billaabayo wadatashiga ku saabsan lahaanshaha, maamulka iyo wadaagga kheyraadka ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.”