NISA oo shaqada ka cayrisay 5 xubnood oo ay sheegtay inaysan u qalmin hay’adda

Muqdisho (Caasimada Online0 – War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu faah-faahiyay Xubno katirsanaa Hay’adda oo Shaqo Joojin lagu sameeyay.

Shan Xubnood oo aan la sheegin Darajadooda iyo Magacyadooda ayaa warka lagu sheegay in shaqo gudasho la’aan looga saaray NISA.

Qoraalka Nabadsugidda ayaa intaa lagu daray in aan lagu aami Karin shanta ruux Howlaha Qaranka ee Xasaasiga ah.

Bogga Twitterka NISA ee lagu faah-faahiyo Howlgalada iyo wararka Hay’adda Nabadsugidda ayaa lagu daabacay Warkaan.

Hay’adda NISA muddo ku dhow sanad malahan Taliye, waxaana tan iyo Markii iscasilay Taliyihii hore ee Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen oo kamid ahaa Musharixiinta u tartameysay Madaxweynaha Koofur Galbeed, xilka sii haya Ku xigeenkiisa.