Doorashooyinki Somaliland iyo rajo xumida ku gedaaman doorashooyinkan maanta

Doorashooyinkii Somaliland u qabsoomay 26 -kii Sanadood ee la soo dhaafay waa taariikh xusuusteeda leh oo diiwaanka gashay.

1- Doorashadii shirbeeleedka ee Boorama ka dhacday sanadkii 1993 waxaa is soo sharaxay Mahamed haji ibrahim Cigaal, Abdirahman Aw Ali tuur ( AHN), Omar Carte Qaalib iyo Ahmed Mohamed Halac. Waxaana madaxweyne loo doortay oo ku guuleystay marxuun Mohamed haji Ibrahim Cigaal ” AHN”. Madaxweyne Cigaal wuxuu Somalilaan kala dabaashay waqti aad u adag oo ahaa waqtigii ugu adkaa ee abid Somalilaan soo mara xag colaadeed iyo xag dhaqaale xumo labadaba.

2- Doorashadii shirbeeleedka ee Hargeisa ka dhacday 1997 Waxaa is soo sharaxay; Mohamed Haji Ibrahim cigaal, Mohamed hashi cilmi iyo Saleebaan Mohamoud Adan (salebaan gaal) Waxaana goobtaa madaxweyne loogu doortay Mohamed Haji Ibrahim Cigaal.(AHN) halkaas oo Madaxweyne Cigaal uu tiirarka dawladnimo u taagay dawladnimada Somalilaan oo uu waqtigaa u sameeyey Dastuur, Xeerar iyo xeegaano ku saleysan habka xisbiyada badan ee maanta dalka ka jira.

-Taariikhdu marka aheyd 31 May 2001 ayaa aftidii Dastuurka ee gooni isu taaga Somalilaan la qaaday, shacabka reer Somalilaan ayaa 97.1% waxay u codeeyeen in Somalilaan gooni isu taagto oo xornimadeedii kala soo noqoto dawladii Somaliya si ay Somalilaan u noqoto dal ka go’ay Somaaliya oo aan ka tirsaneyn Dawlada Federaalka noqotay ee Somaaliya.

3- 15 kii December 2002 – Waxaa dhacday doorashadii ugu horeysay ee golayaasha degaanka oo ka tartamay 6 urur siyaasadeed, waxaana doorashadaa ku soo baxay sadex Xisbi qaran oo kala ahaa : Udub, Ucid iyo Kulmiye.

4- Doorashadii madaxtooyada ee dhacday sanadkii 2003 taas oo aheyd doorashadii JSL ugu horeysa ee ku dhacda hal qof iyo hal cod. Waxaana isa soo sharaxay Dahir Riyale Kaahin, Faysal Ali Waraabe iyo Ahmed Mohamoud Siilaanyo, Waxaana 80 cod ku helay Daahir Riyale Kaahin. kadib markii ay kala heleen 42.90% Dahir Riyaale , 42 .10 % Ahmed Mohamoud Siilaanyo iyo 15 % Faysal Ali Waraabe helay.

Doorashadan waxaa taariikhda loogu duugay in Ahmed Siilaanyo oo ay dabada ka wadaan mucaaridkii abid ugu adkaa Somalilaan in uu Daahir Riyaale u tanaasulo oo yidhaahdo kelmeda dhaxalka u gashay ee uu yidhi ” Kursi Dhiig ku daatay ku fadhiisan maayo “

5- 29/9/ 20005 : Waxaa dhacday doorashadii Baarlamaanka waxaana u tartamay 246 musharax oo u tartamayey 82 kursi ku waas oo ka kala sharaxnaa 6-da Gobol ee Darajada A ah. Musharaxiintaasi waxay ka kala socdeen 3-da Xisbi qaran waxaana ay kuraasta u kala heleen sidan: Udub = 33 Xildhibaan. Ucid = 21 xildhibaan. Kulmiye = 28 xildhibaan.

6- Doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 2010 oo aheyd doorasho hal cod iyo hal qof ah, Waxaa tartamay Daahir Riyale Kahin, Ahmed Siilaanyo iyo Faysal ali Waraabe; Waxaana boqolkiiba 49.50 % ku guuleystay Ahmed mohamoud Siilaanyo. Dahir Riyaale wuxuu helay 33.23 %. Faysal Ali Waraabe wuxuu helay 17.18 % .

7- 15/11/2012 – Waxaa dhacday Doorashadii 2-aad ee Goleyaasha degaanka ee Somalilaan: Waxaa tartamay 7 urur Siyaasadeed oo kala ahaa Rays, Ummada, Xaqsoor, Dalsan, Wadani, Ucid iyo Kulmiye.Waxaa ka qayb galay 2368 musharax oo u tartamay 379 kursi. waxaana ku soo baxay sadexda xisbi qaran ee Wadani, Ucid iyo Kulmiye.

8- Doorashada madaxtooyada ee dhacaday 13/11/17 waxaa tartamay Faysal Ali Waraabe, Abdirahman Mohamed Ciro iyo Muse Biixi Abdi waxaana ay guushu raacday Muse biixi Abdi oo ku helay cod aqbaliyad ah oo 55.1% ah, Abdirahman Ciro wuxuu helay 40.73%, Faysal Ali Waraabe wuxuu helay sidii caadada u aheyd tirada ugu yar codadka oo ah 4.17% ,

Ka dib markii laga dhawaajiyey in doorashadaas ay ku gedaamnaayeen mugdi iyo mad-madow fara badani, ayaa Abdirahman Ciro laga guntay odhaahda ah ” umaan tanaasulin Muse Biixi Abdi ee dalkeygu damacayga ku burburimaayo dhiigna ugu daadan maayo”

9- Waxaa maanta fadeexad qaawan ku ah Dimuqraadiyadii curdinka aheyd ee Somaalilaan ku taameysay mudada dheer iyada oo sadexdii Gole doorasho uu waqtigoodii iyo maandheytkoodiiba uu dhamaaday oo ay mudo kordhin kuraasta ku fadhiyaan: Golaha Baarlamaanka Somalilaan waxaa la doortay 28/9/2005 si ay 5 sanadood oo keliya kuraasta ugu fadhiyaan waxaana ay mudo dhaafeen 8 sanadood iyo badh.

Golaha Guurtida Soomalilaan waxaa la doortay 1997 si ay kuraasta ugu fadhiyaan 6 sandood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 21 sanadood oo dhaxaltooyo ayey kuraastoodu iyaga noqotay. Golaha Degaanka Somalilaan waxaa la doortay Nofember 2012 si ay kuraasta ugu fadhiyaan 5 sanadood oo keliya waxaana ay mudo dhaafeen 2 sandood, ku waas oo maanta kuraasta ugu fadhiya sife qayrul sharci ah.

Hadaba Su’aasha qarnigu waxay tahay Doorasho ma ku dhacaysaa sanadkan 2019 hadii ay dhacdana ma ku dhacaysaa mudada loo asteeyey ee sanadkan oo ah 13/12/2019 ? Jawaabtu waa Maya ! Waayo – Waxaa Caqliga Saliimka ahi ku siinayaa in aanay marna Doorasho ku dhacayn 13-ka maalmood ee u dhaxeeya mudada Komishinka Doorashooyinka xilkoodu ku dhamaanayo oo ah 29/11/2019 iyo mudada loo asteeyey in Doorashadu qabsoonto oo ah 13/12/2019,

Sidaa daraadeed waxaa Xukuumada looga fadhiyaa in ay iswaafajiso Caqiidadeeda Siyaasadeed iyo dhaqanka Dimuqraadiyada Doorashooyinka Somalilaan, si ay doorashada waqtigeeda ugu qabato Waana in xukuumadu xalisaa xurgufta siyaasadeed ee u dhaxaysa iyada iyo Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani .

Alleh ayaa Mahad Leh,

‘Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq’

W/Q:A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid