NISA oo xabsiga dhigtay Wariye Xuseen Cabdulle

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda, gaar ahaan kuwa Nabad-sugida ayaa lagu soo warramayaa inay maanta xabsiga dhigeen Wariye Xuseen Cabdulle oo kamid ah Saxafiyiinta caanka ah ee wax ku qora baraha bulshada Internet-ka.

Wararka ayaa sheegaya in marka hore Wariyaha looga yeeray xarunta taliska NISA, kadibna ay wada-hadal KOOBAN yeesheen taliyaha cusub Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), taas oo keentay xarigGa Wariyaha.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee loo xiray Xuseen Cabdulle, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Wariye Xuseen ayaa maalmihii u dambeeyay tabinayay warar la xiriira Hay’adda NISA iyo isbddel ku yimid hoggaankeeda, taas oo laga yaabo in hay’addu dhibsatay.

Warbixintii u dambeysay ee Wariyahan ayaa waxa uu ka diyaariyay Ceel ku yaalla duleedka magaaada Muqdisho oo la yiraahdo Ceelka Jaceylka, kaas oo ah goobta lagu dilay ganacsade Abuukar Kaabax oo dhawaan kiiskiisa dil loogu xukumay taliyihii saldhigga degmada Heliwaa Cabdifitaax Qoslaaye iyo askari kale oo kamid ahaa ciidamadiisa.

Sidoo kale warbixinta uu baahiyay Wariyaha ayaa waxaa ku jirtay in Ceelkaas uu yahay goob lagu shirqoolo dadka la dilayo oo lagu rido, dadka la tuhunsan yahay in lagu ridana ay kamid tahay sarkaalad Ikraan Tahliil oo horay loogu waayay nolol iyo geeri.

Hadal-heyn xoogan ayaa ka dhalatayu xarigga Wariyahan Soomaaliyeed, waxaana si aad ah loogu baahiyay baraha bulshada ee ay ku wada xiriirto Soomaalida.

Waxaa sidoo kale xariggiisa si weyn u cambaareeyay bahda warbaahinta Soomaalida iyo ururada u dooda Saxafiyiinta madaxa bannaan ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.